Taariikh nololeedka madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud waa nin aqoonyahan ah sidoo kalana ah u dhaq dhaqaaqe arrimaha bulshada isla markaana lasoo shaqeeyo hey’ado isugu jiro caalami iyo maxalli oo ka shaqeeya howlaha nabada iyo horumarinta.

Waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya sanadki 1955, waxa uu kusoo barbaaray magaalada Muqdisho isla markaana uu ku waxbartay.

Waxa uu ka baxay Jaamacada Umada Soomaaliyeed sanadka markuu ahaa 1981 waxaana markaasi kadib uu aaday dalka India halkaas oo uu kusoo diyaariyey shahaadada Master-ka oo uu kasoo qaatay jaamacada Bhopal University.

Mudo laba sana ah ayuu la shaqeeyey Hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ilaa ay ka baxeen ciidamadi nabad ilaalinta UN-ka sanadki 1995-ki, waxana uu Unicef u ahaa sarkaal dhinaca waxbarashada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Afar sano kadib waxa uu magaalada Muqdisho ku aas aasay Machadka Somali Institute of Management and Administration Development (SIMAD), kaasi oo dhawaan loo badalay jaamacada Simad.

Sanadki 2011, waxa uu aas aasay Xisbiga Peace and Development Party (PDP) kaasi oo uu madax ka ahaa ilaa iyo iminkana uu ka yahay, waxaana uu ku hadlaa madaxweynaha cusub laba luqadood oo kala ah Somali iyo English.

Xasan Sheekh waxa The election process began five hours late at a police academy in Mogadishu, following tight security checks.

Madaxweynahan 57 jirka ah ayaa waxa sugaya howl adag oo ay ka mid tahay sidi uu ula jaan qaadi lahaa siyaasiyiinta awooda ku leh dalka ee ku guuldareystay doorashada, waxa kale oo sugaya sidi uu u mideyn lahaa dalka oo kala jajabay 21-ki sano ee lasoo dhaafay oo ay Soomaalida ka dhaxeeyey dagaal sokeeye.

Ugu danbeyntii Xasan Sheekh waa madaxweynihi ugu horeeyey ee Soomaaliya oo lagu doorto gudaha Soomaaliya 42 sano kadib, waxa kale oo uu noqonayaa madaxweynihi ugu horeeyey oo aanan kumeel gaar aheyn tan iyo marki ay dhacday dowladi hore ee Soomaaliya ee uu hogaamin jiray Mohamed Siad Barre sanadki 1991.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here