Taalada Dal-jirka Dahsoon oo dib loo dayactirayo {Sawiro}.

Doowlada Soomaaliya ayaa beryihii ugu danbeeyay waxa waday dayactir lagu sameeynayo Xaruumaha doowlada, iyo xaruumaha Taariikhiga ah sida Taalooyin, Jardiimanka, iyo goobo kaloo qayb ka ah bilicda magaalada Muqdisho.

wayadii hore soomaaliya waxee eheed wadan loo soo dalxiisi jiray, waxeena eheed wadan runtii qaali ah oo dalxiiseyaasha meesha ee rabaan ka dhici jireen.Waxee eheed wadan aad loo amaani jiray.Soomaaliya waxee laheed meelo badan oo taariikhi ah, waxee laheed dhul aad u qurxan oo xayawaanaadka ka buuxaan, waxee leheed meelo ee dalxiise yaasha ku raaxeestaan, waxee leheed xeebaha ugu qurxan dunida.Laakiin nasiib darro waxaas oo dhan waxaa burburiyay dagaalada. Soomaaliya jabkaas wee ka soo noqon kartaa hadii ee dowlad hadda hesho.Wali waxee leedahay xeebaha ugu qurxan caalamka, gaar ahaan xeebaha koonfurta, in kastoo meelaha qaar ee wasaq la soo daristay, sidoo kale wali waxee leedahay dhul ee xayaawaanaadka ka buuxaan, Shacabka neh mar kasto waxee dhisaan magaalooyinka, ayada oo madaafiic maalin kasto si arxan darro ah loogu garaaci jiray.

Hadaba Taalada daljirka-dahsoon waxay kamid ahaan jirtay meelaha ugu qurxan ee loo soo dalxiisi jiray magaalada Muqdisho, waxaana hadii dib loo dayactiro markale ay noqon doontaa meel soo celisa xasuustii iyo wanaagii ay lahayd Caasimada.

Kusoo dhowaada Sawiro muujinaya dayactirka ku socda Taalada daljirka-dahsoon:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here