Taageerayaasha Manchester United oo ka cabsi qaba mustaqbalka kooxda

Kaddib markii shaley uu shaaciyay macalinka reer Scotish Alex Ferguson in uu ka fadhiisanayo ciyaaraha marka la gaaro 19-ka bishan May, waxaa soo baxay walaac ay muujinayaan taageerayaasha Manchester United oo ku aadan mustaqbalka kooxda.

Isuduwaha kooxda Duncan Drasdo ayaa sheegay in taageerayaasha kooxda ee adduunyada oo dhan ay soo direen dhambaal ku saabsan jahwareerka ay kala kulmeen markii 71-jirka kooxda uu ka tagayoo 27-sanno kaddib garoonka Old Trafford gaar ahaan marka uu dhammaado horiyaalka Ingiriiska ee Premier oo ku eg bishan May 19.

Alex Ferguson ayaa sheegay in uu go’aansaday ciyaaraha gabi ahaan in uu isaga fadhiisto, kaddib markii 38-koob uu kula guuleestay kooxda intii uu joogay.

“Taageerayaasha waxa ay u mahadceliyeen Sir Alex oo shaqo adag ka soo qabtay kooxda dhammaantood waa ay u mahadcelinayaan waxa ay yiraahdeen mahadsanid, Sir Alex wuxuu soo saaray 27-dii sanno ee uu joogay Manchester United wax aad u wanaagsann.”

Waxa ay u badan tahay in macalin Sir Alex shaqada  ay kala wareegi doonaan David Moyes iyo Jose Mourinho laakin warkaas ilaa hadda sax ahaansiyihiisa ma ahan mid si buuxda loo shaaciyay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here