Taageerayaasha Madaxweyne Sharif oo loo fasaxayo 20 maqaayad

Ololihi ugu balaarnaa ayaa lagu wadaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka bilaabo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in gudiga u qaabilsan dhanka Ololaha Madaxweyne Sharif ay soo hindiseen in laga bilaabo saakay ay taageerayaasha madaxweynaha si bilaash ah uga cunteynayaan maqaayado gaaraya 25 kuwaas oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ololaha Shariifka mudooyinki danbe wuxuu ahaa mid si aad ah uga socday Muqdisho gaar ahaan muuqaalka sawiradiisa iyo fariimo oranaya aan doorano Sharif Sheekh Axmed iyo eray kale.

Waxa kale oo si weyn Sheekh Shariif ololahiisa uu uga muuqday marka uu magaalada imaanayo oo uu kasoo laabanayo dibada markaas oo soo dhaweyntiisa lagu soo daro boorar iyo sawiradiisa ku aadan doorashada.

Maanta ayaa lagu wadaa madaxweynaha inuu qudbadiisi ugu danbeysay ee uu ku aadan ololahiisa doorashada ka horjeedo aqalka baarlamaanka Soomaaliya, kadib marki lagu daray 10-ka mudane ee maanta hor tagi doonto baarlamaanka.

Daawo sawirada taageerayaasha Madaxweynaha




Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

4 COMMENTS

  1. WAX WEYN HA KA DHIGINA CUNO LA SIIYAY DAD KUU DOORANAAYO ADUUNKOO DHAN AYEEY KA JIRTAA MA AHAN WAX UU MADAXWEYNAHA KELIYA UU SAMEEYAY DHIBNA MA LAHA QOFKU HADUU MADAX NOQDO SI YAR IN UU WAX U CUNO WAXAA DARAN GADASHADA QARANNIMO IYO XAD GUDUB AAD KU SUUBISO WALAALAHAA SOOMALIYEED EE EBE HOOSTAADA KEENAY HADEEY AHAATO IN AAD LA DAGAASHO AMA AAD CAYDO QABIILADOODA TAASOO AH JAHILNIMO KU SOO DABA DUGAASHAY AQLI DARO IN KASTOO MARARKA QAAR AY DHACDO MADAXWENAYASHA QAARKOOD AY CAYAAN QABIILADA KALE MARKA TAN SHARIIF SAMEEYAY WAA CAADI WAXAANA LAGA AMAAN HELAA AFKIISA OO AQLAAQ WANAAGSAN ASAGOO AH MADAXWEYNIHII UGU DA DA YARAA EE SOOMALIYA SOO MARA DA,DA MAXAAY SHEEGEE AQLAAQ WAA LOO DHASHAA IN KASTOO DADKA QAAR AY U ARKAAN MARKAAD WAX CEYDID WAXAA TAHAY HERO MARKAAD WAX XUSHMEEYSANA WAXAAD TAHAHY DOQON SOOMAALIYEEY HALA ISKA DAAYO DADKA XUN OO DHAMAAN SOOMAALI WADA OGTAHAY IN LOO DHIGO PARTY AMA LA SIIYO SHAHADO AH HERO TAASI WAXEEY KENEYSAA AAN QOFKA KU KURAAJO GELINO XUMAATA TAASINA WAA DIB U DHAC WEYN IN KASTOO PARTY NOOCAAN OO KALE UU YAHAY LOCAL U YAHAY QABILADA DHIGTA IYAGOO WAX NOOGA SHEEGA ARAGTIDOOD HERO QABIIL KU SABSAN WUXUU KA FOG YAHAY QARANIMO.

  2. somali hadaan nahay is eed eedid kama baxayno hanti qaran halkay taalaa kaalmo ayaa la cunayaa dadka oo dhan war dad yahaw dalka aan dhisano jiilal badan ayaa qasaarooyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here