Inta badan warbaahinta ka faaloota Kubbada Cagta iyo TV-yada, ayaa caawa aad u hadal haaya raacdeynti Tababare Jose Mourinho, kaasoo galabta waqti dambe maamulka Chelsea ay go’aansadeen in shaqada laga eryo.
Bishii February 2014, ayay ahayd markii uu Mourinho tababaraha Arsenal Arsene Wenger uu ku tilmaamay nin ku caan baxay Fashilka, hadalkaasoo uu ula jeeday in Arsenal mudo kabadan 10 sano aysan ku guuleeysan horyaalka Ingiriiska.
Cadawtooyada iyo dagaalka labada macalin ayaa ah mid taagneyd ilaa iyo galabta oo shaqada Chelsea laga eryay Mourinho.
Markii uu galabta soo baxay warka ku saabsan in la ceeyriyay Mourinho, ayaa islamarkiiba taageerayaasha Arsenal waxay bilaabeen ineey baraha Bulshada, gaar ahaan Twitter-ka soo galiyaan ereyo iyo qoraalo ay ku maadeeysanayaan Jose.
Waxaa kaloo cajiib ah in Arsenal ay hada Chelsea ka koreyso 18 dhibcood oo nadiif ah, iyadoona laba dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha horyaalka, halka Chelsea-na ay hal dhibic oo kaliya u jirto Drope Zone-ka.
Halkaan ka aqriso Fal celinta ay taageerayaasha Arsenal kusoo qoreen Twitter-ka:
He said Arsene was a “Specialist in failure”, then took Chelsea into a relegation battle only to be sacked by them for the second time 😂
— Ayla. (@ayboo_AFC) December 17, 2015
Don’t insult your elders. “Specialist in Failure” He called Wenger. Look at him now. Sacked at the same club. TWICE. Mourinho. Shameful.
— The Iron Walker (@Cyrus_ThaVirus) December 17, 2015
His next job, he’d learn how to respect his elders..#JoseMourinhoSacked #SpecialistInFailure pic.twitter.com/0snBqbjJ7m
— Emmanuel Ojo Isijola (@Olariches82) December 17, 2015