Syria oo laga baqayo in ay noqoto sida Somaliia oo kale

Kooxaha xuquuqda aadanaha dalka Syria  ayaa sheegay in qalalaaso ka dhacay dalka guud ahaantiis ay maanta ku dhinteen ilaa iyo 53 ruux, xilli ciidamada howlgalka kormeerka ee Qamara Midoobay ay sheegeen in halkaasi sii joogayaan.

Rami Abdelrahman, oo ah madaxa koox xuquuqda aadanaha oo British ah isla markaana haatan ka howlgala Syria ayaa sheegay tin haatan ay ka cabsi qabaan in Syria ay isu badasho sida Soomaaliya oo kale.

Abdirahman ayaa sheegay in maanta oo kaliyah la dilay 28 ka mid ah milatariga, mid ka mid ah askarta ka goostay dowlada iyo 24 rayid ah, waxa kale oo uu intaasi raaciyey in duqeymo, iyo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada dhanka waqooyi ee Aleppo, ilaa magalada Daraa ee xaga koonfurta, haka reebin magaalada magaalada Deir Ezzor oo Bariga ah iyo gobolka waqooyi galbeed ee Latakia.

Abdelrahman ayaa intaasi ku daray in weeraro ay sidoo kale ka dhaceen magaalooyinkia Hama, Idlib iyo Damascus.

Qalalaasahan cusub waxay imaanayaan xilli ay Gudiga caalamiga ah ee Laanqeerta cas ay sheegeen in ay diyaarinayaan sidii ay u daad gureyn lahaayeen dhaawacyada iyo dadka ku go,doonsan magaalada Xama.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.