Syria: Daacishi Hooyadiis ku hor toogtay boqolaal qof

Ali Saqr Al-Qasem oo Hooyadiis toogtay
Ali Saqr Al-Qasem oo Hooyadiis toogtay

Mid kamid ah dagaalyahanada Daacish ee ku sugan magaalada Raqah ee dalka Syria, ayaa kumanaan qof ku hor toogtay Hooyadii isaga dhashay, kadib markii uu ku eedeeyay ineey Diinta ka baxday oo ay Ridowday.

Inkaar qabahaan oo da’diisa lagu sheegay, ayaa la sheegay inuu gacantiisa ku toogtay Hooyadii dhashay oo 40 jir ah, waxaana falkaan uu ka dhacay magaalada Raqah oo caasimad u ah Daacish Khamiistii lasoo dhaafay.

Koox dabagal ku samaysa tacadiyada ka dhacaya Syria oo fadhigooda uu yahay UK, ayaa sheegtay in wiilkan Daacish ka tirsan ee Hooyadii dhashay toogtay lagu magacaabo Ali Saqr Al-Qasem, uu Hooyadiis ku toogtay Xafiiska Boostada ee Raqah islamarkaasina ay daawanayeen Boqolaal qof oo shacab ah.

Wiilkaan ayaa la sheegay inuu gacanta kusoo dhigay Hooyadiis, xili ay dooneysay ineey isaga baxsato magaalada Raqah, waxaana uu ku wareejiyay saraakiisha Daacish ee halkaas xukunta, waxayna ku xukumeen in ladilo islamarkaasina uu asiga gacantiisa ku dilo Hooyadiis.

2FE7C35500000578-3390019-image-a-1_1452241789746

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here