Sweden oo lagu qabtay shirweynaha Urosom 2014

Shirweynaha Urosom ee Sweden
Shirweynaha Urosom ee Sweden

Magaalada Gutenberg ee dalka Sweden waxaa lagu qabtay shirweynaha Urosom kaasoo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Urosom waa dalad ay ku mideesan yihiin ururada Sportska ee ka dhisan Yurub.

Mas’uuliyiinta Urosom ayaa shirka ka sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin dhammaan wakiilada Urosom ee ka soo qaybgalay shirka.

Waxaa ugu horreyn ka hadlay shirka Maxamuud Xaaji Nuur, wuxuuna sheegay in dhammaan ururada ay ku mideesan yihiin dalada Urosom in ay door muhiim ah ka qaateen horrumarinta cayaaraha Soomaalida ee Yurub.

Wakiilka Urosom Muriidi Nuur Sein ayaa goobta ka sheegay wax yaabaha uu qabsoomay ururka dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Ugu dambeyn waxaa goobta lagu doortay guddoomiyaha cusub ee ururka Urosom waxaana loo doortay Ibraahim Axmed Takar (Jaangoan) wuxuuna xilka heyn doonaa afarta sanno ee soo socota.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here