Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhinta la siiyay booliska ee u fasaxeysa in ay ku haayaan xabsiga ilaa Isniinta dambe oo ay bishu ku beegan ahay 21 Janaayo 2013, lana filayo in dhegeysiga dacwadiisa bilaabato 22 Bishan.
Masuuliyiinta NUSOJ oo ay garab taagan yihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo xaadiray xarunta Maxkamadda, iyadoo la filayay in Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibrahim (Cabdicasiis Koronto) in la keeno maxkamada maanta oo ahayd Khamiis 17 Janaayo, 2013, balse dib loo dhigay muddo 5 cisho ah oo ku eg maalinimada Isniinta ee soo socota, iyadoo la filayo in dhegeysiga dacwadiisa ay bilaabato maalinimada Talaadada.
Weriye Cabdicasiis Koronto oo u kala shaqeynayay idaacadaha Dalsan iyo Ergo ayaa ciidamada Booliska gacanta ku dhigeen maalinimadii Khamiista ee 10 Janaayo, 2013, ayaa loo heystaa in uu wareystay gabar sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda. Weriyaha ayaa loo qabtay qareen dhinaca sharciga ku difaaci doona. Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo suxufiyiinta oo idil waxa ay hayaan caddeymo ku filan oo ay maxkamada horteeda kaga difaacaan weriyaha.
“Waxaanu heynaa caddeymo ku filan oo aan weriyaha kaga difaacno maxkamadda Horteeda” sidaa waxaa yiri Maxamed Ibrahim (Bakistaan) Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, “Waxaan ku kalsoonahay in cadaalad la wada helo, Cabdicasiis Korontana wax shaqo ah oo uu ku leeyahay ma jirto eedeynta loo heysto ee la xiriirta warbixinta Aljazeera, waana heynaa cadeymo u filan.”
Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowladda inay ogolaadaan in la dhaliili karo, una qaataan dhaliilaha wax dhisaya kuwo kaabaya shaqada shacabka u hayaan, balse aanay u qaadan kuwo wax duminaya. Sidoo kale, Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa in suxufiyiintu ka fogaadaan wax walba oo khalad sharci ah ku keeni kara, isla markaana hubiyaan waxa ay doonayaan inay ka sii daayaan warbaahinta, iyadoo markaas ay ururka aanay u heli doonin fursad uu ku difaaco weriyaha khaladka galay. Waxaa kaloo ururka cadeynayaa in suxufigii laga khaldan yahay ay ka go’an tahay, waajibna ku tahay in uu ku difaaco sidii xuquuqdiisa loo heli lahaa.
<Dhamaad>
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com