Suxufiyiinta Radio Asal Oo Galabta Laga Saaray Garoonka Snai Stadium Xili Cayaar ay tabinayeen.

kubadQaar ka mid ah Suxufiyiinta Idaacada Asal ee magalaada jowhar ayaa lagu soo waramayaa in galabta laga saaray Garoon lagu cayaaro Kubada Cagta oo kuyaal magaalada jowhar xili suxufiyiinta ay kuguda jireen Tabin toos ah oo ay Idaacada Asal si toos ah ay uga hadlayeen Suxufiyiinta kala Ah Wariye Abshir Muuse Salaad iyo Maxamed Cabaas Xaamud.

Sida Ay suxufiyiinta sheegen Askari ka tirsan Ciidanka Boliska Ee Degmada jowhar ayaa qori Inoo Soo qaatay waxuuna nagu amray in aan Ka Baxno Garoonka Inaga oo an ogeyn Waxa Sababay ee Askariga uu Garoonka Inooga Saaray.

suxufiyiinta ayaa intaasi ku daray in Xiriirka Kubada Cagta Ee degmada jowhar ay isku dayeen in ay la hadlaan Askariga hase Ahaate uu ka dhega adeegay.

Idaacada Asal ayaa ka mid ah idaacadaha Madaxa banaan ee magaalada jowhar waxaana ay idaacada tahay mid ka shaqeysa Horumarinta Adeegyada Bulshada, xiliga falkani uu dhacayana idaacada waxay si toos ah u tabineysay cayaar galabta dhex mareyso Kooxaha Heegan iyo Nasiib.

Lasoco waxii ka soo kordho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here