
Muqdisho (Midinimo) Suuquyada waaweyn ee ku yaala caasimada Muqdisho ayaa laga dareemayaa ganacsi xooggan, kaddib markii magaalada ay ku soo laabatay siddii ay bari ahayd.

Suuqyadaas waxa ka mid ah suuqa xamarweyne ee magaalada Muqdisho, suuqan waxa ka mid ahaa suuqyada waaweyn ee dalka uu lahaa burburkii dalka ka hor 1991-dii, laakin waxa saameen ku yeeshay dagaalada dalka, suuqa hadda waa uu soo camir mayaa, oo waxa ku soo badanaya ganacsata ka immaaneysa magaalada iyo gobalada dalka.

Wariye ka tirsan shabakada Midnimo oo booqday suuqa xamarweyn ayaa ku soo arkay ganacsiga xooggan ee ka socda suuqa, oo ay ka mid yihiin carwooyin lagu iibiyo dharka noocyadiisa kala duwan sida kuwa Sports-ka.

Wariye Saami Caddow ayaa kaddib waxa uu wareestay qaar ka mid ganacsatada ku dhaqan suuqa weyn ee degmada Xamarweyne kuwaas oo ka waramaya isbadalka ka dhashay muqdisho iyo sida uu hadda uu yahay ganacsiga.
Hadaba akhristayaasha sharafta leh ee shabakadda Midino, waxa aan u soo bandhigeenaa sida uu hadda yahay ganacsiga ka jira suuqa xamarweyne.