Suuqyada Garawe oo laga diiday Lacagta 500 Shilin Somaliga

Magaalada garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa sirasmi ah Suuqyadeeda looga diiday Lacagta 500 ee Shilin soomaaliga ah oo ahayd lacagta ugu yare ee ay isticmaalaan Soomaalida walow meelo kamid ah Soomaaliya horay looga diiday .

Ganacsatada Garowe ayaa gabi ahaanba diiday qaadashada Lacagta 500 ee Shillin soomaaliga iyagoo u aanaynaya wasaarada maaliyada Puntland hadal dhawaan ay soosaatay oo ay ku sheegtay in lacagaha Canshuurta lagu qaadi doono Doolar , waxana ay dadku shegeen inay arintaasi badalkeeda iyaguna diideen qaadashada lacagtaasi .

Joojinta lacagta ayaa ugu horayn kasoo bilamatay ganacsatada qaadka iyagoona sheegay inay iyagu qaataan lacag soomaali ayna wasaarada maaliyada kadoonayso Doolar inay kubixiyaan Canshuurta .

waxana ugu danbayntii diidmada lacagta 500 ee Shillin soomaaliga ay kubaahday dhammaan Qaybaha suuqa waxaana ay Shacabku arintaasi ku tilmaameen caqabkale oo kusoo biirtay tii horay uga taagnayd qiimaha shillinka iyo sicir bararka .

Lacagta Soomaaliga oo aan ilaa 22 sano aan labadalin ayaa marba marka kadanbeeya waxaa istaagaysay qayb kamid ah Shillinka Soomaaliga waxaana hadda la isticmaalayaa oo kaliya Lacagta 1,000 Shillin ee Soomaaliga .

Wasaarada maaliyada ayaan iyada wali kahadlin arintaan Cusub ee kusoo korortay Lacagta , balse dadka ayaa ugu baaqay Dowlada inay arintaasi wax kabadasho .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here