Suuqa Xamar-wayne oo soo camir may iyo carwooyin hor leh oo laga furay {Sawiro}

Magaalada Muqdisho oo sannadihii dhawaa ka soo kabaneysay dagaalada iyo burburka, ayaa waxaa ku soo badanaya carwooyinka laga furaayo suuqyda ku yaalla caasimada.

Suuqa Xamarwayne wuxuu berri ahaa suuqa ugu wayn ee magaalada
Muqdisho, waxaa ku yaallay carwooyin waayn oo wax kasta laga helo,
waxaa suuqa Xamarwayne ku yaallay Boosteejo ama goob laga raaco
gaadidka u safra gobalada dalka oo dhan.

Waxaa suuqa u soo dukaameysi tagi jiray dadka ajinabiga ee ku noolaa
dalka ama booqashada ku imaan jiray, laakin wixiii ka dambeeyay
burburkii dalka, waxaa suuqa ku dhacay burbur iyadoo dhammaan
dhismooyinkii ay ku baaba’een dagaaladii ka dhacay dalka.

Suuqa Xamarwayne waxaa ku yaallay Bacaadle wayn oo ka koobaan dhowr
dabaq, waxaa uu hooy u ahaa 21-kii sanno ee la soo dhaafay dad shacab
ah, laakin dhawaan ayuu maamulka gobalka Banaadir wuxuu ku sameeyay
dayactir xoog leh, waxaana dib loo dhisay dukaamadii ku yaalla
Bacaadlaha, oo hadda waa diyaar, kaliye waxaa u dhiman in la furo oo
lagu ganacsado uun.

Haddaba wariyaal ka tirsan shabakadda Midnimo ayaa maanta oo khamiis
ah [11.04.2013] waxa ay booqdeen suuqa Xamarwayne oo hadda ku socdo
dhismooyin hor leh, oo ay u badan carwooyin, waxaana ka mid ah
sawirada aad halkan hoose ku arki doontaan.

Sawirada waxaa ka muuqda carwooyin lagu iibinaayo dharka kuwii ugu
dambeeyay, alaabta guryaha la dhigto, kabaha nooc kasta, iyo
macmacaanka oo wax yaabo badan ay ku jiraan kuwaasoo dalka aan lagu
arki jirin burburkii kaddib.

Qaar ka mid ah alaabta taalla carwooyinka ku yaalla Xamarwayne ayaa
laga keenay dibedda, waana kuwa qaali ah, in kastoo dad badan ay
iibsadaan alaabtaa, waxaa dadkaas ka mid ah shisheeyaha ku dhaqan
dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here