Sunderland oo ceyrisay Martin O’Neill

Kooxda Sunderland ayaa Axada maanta shaacisay in la iska fasaxay 61-jirka macalinka u ahaa kooxda, kaddib markii guul daro 1-0 ay kala kulmeen kooxda Manchester United horiyaalka Ingiriiska ee Premier League.

War ay soo dhigtay kooxda barta ay ku lee dahay Internet-ka ayey ku sheegtay in la fasaxay Martin O’Neill, taasoo sabab u ah guul daro is xigxigga oo kooxda la soo daristay, taasoo keentay in ay ka mid noqoto kooxaha qarka u saaran in ay ku laabtaan horiyaalka labaad.

Horiyaalka Ingiriiska ayaa hadda waxaa ka harsan ilaa 7-kulan, lamana saadalin karo mustaqbalka kooxda Sunderland.

O’Neill, ayaa shaqada kooxda loo dhiibay bishii December 2011, markaas oo uu yimid garoonka kooxda ee Stadium of Light, laakin wax isbadal ma keenin.

“Sunderland AFC waxa ay shaacineysaa in la fasaxay maamulihii kooxda Martin O’Neill ,”ayaa lagu yiri warka qoraalka eek a soo baxay kooxda.

Waxa ay intaas sii daba raacisay in ay u mahadcelinayaan Martin ayna u rajeenayaan mustaqbal fiican kooxdana maalmaha soo socda ay yeelan doonto macalin cusub oo keena guulo  .”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here