Sunderland oo Baadi goobeysa Xiddig u ciyaara Barcelona

Kooxda Sunderland ee ka ciyaarta Horyaalka K/cagta dalka Ingiriiska ayaa baadi goob ugu jirta soo qaadashada xiddig katirsan Naadiga Barcelona.

Tababaraha Kooxda Sunderland Gus Poyet ayaa sheegay inay bisha Janaayo marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Furmo ay doonayaan inay lasoo wareegaan da’yarka Barcelona Halilovic.

 alen2

“Xitaa Hadaan ku helno Amaah  Halilovic waan soo qaadaneynaa,waa xiddig wanaagsan oo mustaqbal ku leh Kubada Cagta,sida waxa saxaafada usheegay macalinka Sunderland Gus Poyet”.

Kooxda Sunderland ayaa ka mid ah Naadiyada heerkooda meel dhexaadka yahay Horyaalka Premiership-ka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here