Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Sonkor oo la caleemo saaray

Caleemo saarka Suldaanka Todobaad ee Aji ama Waamo waxa uu ahaa mid ay ka soo qaybgaleen kumanaan qof oo meelo kala duwan ka kala yimid,

Marti Sharafta tagtay magaalada Dhoobleey waxaa ka mid ahaa wafdi ka socday dowlada Kenya iyo odoyaasha Beesha Cawlahan ee magaalada Libooyo, oo uu hor boodayay Deeqoow Dhigi-Dhigi.

Sidoo kale waxa amagaalada Buulo-Xaawo ka yimid wafdi beesha Mareexaan ay caleemo saarka u soo dirtay, iyo waliba wakiila Beesha Biyo-Maal ee degmada Jamaame, Beesha Jareer-weyne waxaa matalayay Malaaq Aweyg Geedoow,

Sida Xeerka Beesha Maxamed Subeer uu yahay, Suldaanka Waxaa duubay ama Boqray, Beesha reer Isaaq, Caanaha waxaa ku shubay Beesha Khalaf Guun, Ducada iyo Kitaabka waxa au dhiibay Beesha Adan Khayr, Bakoorada waxaa gudoonsiiyay Beesha Maxad Roob, Beesha xasan Dheere waxay iyaduna qaadatay Gudoonka ama Ku dhawaaqista Rasmiga ah ee boqorka Cusub,

amaanka Goobta Caleemo saarka waxaa si weyn u sugayay Ciidanka Dhoobleey iyo ciidanka AMISOM,

Suldaanka ducada ugu dambe ayuu lahaa, ka dibna waxaa gawaaridii galbinaysay ay suldaanka ku soo wareejiyeen magaalada Dhoobleey,

Ardayda Iskuulaadka ayaa sidoo kale ka qayb qaatay, waxaana jray Ciyaaro Diisoow iyo saar Lugeed ah oo halkaasi lagu dheelay,

Suldaan cabdilaahi Cali Sonkor waxa uu noqonayaa Suldaanka todobaad ee Aji ama Waamo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here