Sudan oo xaalad dag dag ah kusoo rogtay gobolada ku yaala xadka ay la wadaagto South Sudan

Dowlada Sudan ayaa xaalad deg deg ah gelisay gobolada ku yaala xadka ay la wadaagto dowlada cusub ee South Sudan kadib todobaadyo ay dagaalo dhex marayeen labada dhinac.

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir ayaa lagu sheegay dhamaan gobolada kala ah South Kordofan, White Nile iyo Sennar ay ku jiraan xaalad dag dag ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Sudan ee Suna news agency.

Xaalada dag daga ah ayaa awood usiineysa madaxweynaha inuu abuuri karo maxkamad gaar ah isaga oo kala tashanaya madaxa cadaalada sida ay ku warantay Suna.

Dhanka kalana, South Sudan ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay kala soo baxdo ciidamadeeda booliska gobolka lagu muransanyahay ee Abyei oo ku yaala xadka labada dal.

Colaada cusub ee haatan ka dhaxeysa labada dhinac ayaa bilaabatay horaanti bishaan kadib marki South Sudan ay qabsatay deegaanka Heglig oo ay heysatay mudo 10 maalin ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.