Sudan oo shegtay in Biyo xireenka Ethiopia ee Wabiga Niil uusan dhibaato ku keeneen

War kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dalka Sudan, ayaa lagu sheegay in mashruuca dalka Ethiopia eek u aadan leexinta wabiga Niil uusan dhibaato ku keeni doonin Sudan.

Hadalkaan aya imaanaya kadib hal maalin markii ay doowlada Ethiopia ku dhawaaqday ineey sameyneyso mashruuc biyo xireen ah, kaasoo ay ku sheegtay ineey dooneyso iney Koronto uga dhaliso, waxaana arintaan ay saameyn ku yeelan doontaa doowladaha uu maro wabigaas, oo ay ugu horeeyaan Sudan iyo Masar.

“Dhinacyada farsmada wasaaradaha Korontada iyo Biyaha ayaa xaqiijiyay in qorshaha doowlada Ethiopia ay wado uusan wax dhibaato ah ku keenen dalka Sudan” ayaa lagu yiri war laga soo saaray wasaarada arimaha dibada Sudan.

Sida ay baahisay wakaalada wararka u faafisa Sudan ee SANA, ayaa waxaa lagu sheegay in Sudan, Masar iyo Ethiopia ay wada tashi ka sameeyeen mashruucaan ayna isla afgarteen.

Dhinaca kale waxaa soo baxayaa warar sheegaya in doowladaha Ethiopia, Masar iyo Sudan ay bilaabeen wadahadalo ku aadan Mashruuca biyaha wabiga Niil.

Wasiirka wasaarada biyaha iyo waraabka ee Sudan, Usaama C/laahi Al-xasan ayaa shalay gaaray magaalada Qahira, si uu Masar kala hadlo arimaha biyaha wabiga Niil.

Masar ayaa gudi u xilsaartay mashruuca ay doowlada Ethiopia wado eek u aadan leexinta biyaha wabiga Niil, waxayna Masar ku cel celisay in saamiga ay ku leedahay biyaha wabiga Niil uusan marnaba gali Karin gor gortan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here