Sudan: Elman oo ka hartay Tartanka CECAFA Cup

Kooxda kubbadda cagta ee Elman ee dalka Soomaaliya ayaa ka hartay tartanka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Africa ee ka socda dalka Sudan.

Koxoda Elman ayaa shaley galab waxaa looga badiyay 2 iyo 0, markii ay la ciyaartay ciyaartii 3-aad kooxda El-Meriekh.

Labadan koox ayaa waxa ay ka tirsanaayeen Group-ka A,.

Horey, Elman waxey jimcadii barbardhac 1-1 ah la gashay kooxda Vitalo ee dalka Burundi, kadib markii ciyaartii furitaanka 1-0 looga adkaaday oo ay ku garaacday kooxda APR ee Rwanda.

Si kastaba, kooxda Elman ayaa hal  dhibic kaliya ka heshay seddexda kulan ee tartanka sannadkan ciyaartay, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socdo ay ku soo  laabato magaalada  Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sida ay lee yihiin dadka ciyaaraha ka faalooda waa markii ugu horreysay oo kooxda ugu rajo fiicneed, waayo kal horre goolal badan ayaa lagu soo xaaqi jiray iyo guul darooyin waaweyn.

Tartanka oo sannadkan lagu qabtay gobalada Waqooyoga Darfur iyo Koofurta Kordufan oo ku yaalla dalka Sudan ayaa la soo gabagabeen doonaa 2-da bisha July ee sannadkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here