Subxaanallaah: Scientist u dhashay UK oo sheegay in Robert Mugabe uusan waligiis dhimaneyn

robert-mugabe1Subxaanallaah…Hadii dunidaan lagu noolaan lahaa waxaa noolaan lahaa Nabigeena NNKH, sidoo kale waxaa noolaan lahaa Nabi Nuux Caleyhi Salaam…intaas kadib Saynisyahan u dhashay dalka Ingiriiska oo in mudo ah ku mashquulsanaa baaritaanka sababta uu weli u noolyahay madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, ayaa sheegay in baaritaankii uu waday uu kusoo ogaaday In Mugabe uu weligiis noolaan doono siina xukumi doono Zimbabwe.

Robert Mugabe, oo ah madaxweynaha ugu cimriga weyn madaxweynayaasha hada jira, islamarkaasina ah madaxweynaha ugu xiliga dheer ee maamula dal Afrikaan ah, ayaa talada Zimbabwe ku qabsaday awood milatari sanadku markuu ahaa 1980-kii, Madaxweynayaal badan oo caalamka soo maray ayaa dhintay qaarkoodna xilka ayay ka dageen, laakiin Mugabe weli waa mid soo taagan.

Sanadkii 1999-kii, ayay ahayd markii uu Saynisyahankan sheegay, in Mugabe uusan u baahneen inuu GYM aado ama Khudaarta badsado, si uu mudo usii noolaado, balse loo abuuray inuu weligiis noolaado.

Dadka qaar, gaar ahaan kuwa masiixiyiinta Zimbabwe, ayaa bilaabay ineey aaminaan saynisyahanka warkiisa, maadaama Mugabe markuu 70 jirka ahaa iyo hada uu 92 jir yahay isku si yahay.

Saynisyahankaan, ayaa Millions Dollar ku bixiyay cilmi baarista sababta uu weli usii noolyahay Robert Mugabe, laakiin nasiib xumo ma’uusan helin calaamado xiriir la leh DNA-giisa.

Saynisyahankan ayaa sheegay in baaristaan ay socon doonto ilaa sanadka 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here