Su’aalo u baahan Jawaabo…

kkFaahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Dibadda Mareykanka John Kerry.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxaa uu qaatay 45 daqiiqo, waxaana goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

War saxaafadeed laga soo saaray Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ay kulankooda uga arrinsadeen arrimo badan oo ay ugu horeyso sidii dowladda Maraykanka ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale war lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo uu shaaciyey sarkaal aan magaciisa sheegin ayaa lagu cadeeyay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saddex arrimood uu ka codsaday dawlada Mareykanka.

Saddexdaas arrimood ayaa lagu sheegay; dhismaha ciidamada Soomaaliya, dib u soo celinta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u hagaajinta iyo tayeynta hay’adaha dawlada Soomaaliya.

Hadaba waxaa jira Su’aalo u baahan Jawaabo, kuwaasoo kui qotoma kulanka M/weyne Xasan iyo John Kery…

  1. Muxuu ka dhiganyahay Kulanka M/weyne Xasan iyo John Kerry ee Addi-Ababa ka dhacay?

  2. Mala dhihi karaa Ethiopia iyo Kenya waxay saldhig u noqdeen siyaasada Soomaaliya, maadaama lagu qabto kulamada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya?

  3. Maxay tahay Sababta uu Xasan Shiikh Addis ugula kulmay Kerry, iyadoo la wada ogyahay in Muqdisho uu ku qaabilay wasiir arimo dibadeedka Uk William Hague? muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Kulanka Muqdisho iyo Kan Addis Siyaasad ahaan iyo Amni ahaan?

  4. Borotakoolka Mareeykanka ma wuxuu qabaa, in madaxda Soomaaliyeed sidaas loola dhaqmo, iyadoo Mareeykanka uu ahaa Doowladii ugu horeeysay ee aqoonsata DF Sanadkii 2012?

NB: Xoghayihii hore ee arimaha dibada Mareeykanka Hillary Clinton, ayaa sanadki 2009 Nairobi kula kulantay M/weynihii hore ee Doowlada KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Aqristoow sideey kula tahay, kasoo dhiibo Fikirkaaga, adigoo ku saleeynaya Su’aalaha aan halkaan kusoo bandhignay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here