Su’aalo ka dhashay duqeyntii Maraykanka ee Gaalkacyo

6-7Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciidammadeeda ay duqeyn u geysteen meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya oo ay ku dileen sagaal ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Balse maamulka Galmudug ayaa sheegay in 22 ka mid ah ciidammadooda lagu dilay duqeyntaasi, waxyna ku eedaysay Puntland oo xiriirkoodu uusan fiicneyn inay macluumaad khaldan siisay Maraykanka.

Afhayeen u hadlay waaxda gaashaandhigga Maraykanka, captain Jeff Davis, oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in weerarka Gaalkacyo uu ahaa mid ay ku bartilmaameed sadeen dagaalamayaasha Shabaab oo khatar ku ahaa Maraykanka.

Al Shabaab, ayaase sheegtay in weerarkaasi aysan cidna wax uga noqon islamarkaana aysanba ka hawl gelin deegaanka la weeraray.

Afhayeenka gaashaandhigga Maraykanka ayaa hadalka Galmudug ku tilmaamay “eedeymo aan run ahayn”, balse wuxuu intaasi ku daray inay baaritaan sameyn doonaan.

Dadka deegaanka oo ka careysan weerarka Maraykanka ayaa dhigay mudaaharaadyo, waxayna gubeen calanka Maraykanka.

Doowlada Federaalka oo Mareeykanka ka dalbatay sharaxaad dheeri ah:

SOMALIA PM closes 2014 Program conference: “I want my government to be close to the people”
SOMALIA PM closes 2014 Program conference: “I want my government to be close to the people”

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug oo maamulka Galmudug uu sheegay in lagu dilay askar badan.

Duqeyntaas oo Mareykanka uu fuliyey ayaa afhayeen u hadlay Pentagon-ka, Jeff Davis, waxa uu sheegay inay ku beegsadeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya, ayey dowladda Soomaaliya ku dalbatay in Mareykanka uu sharraxaad buuxda ka bixiyo weerarkaas iyo sida ay ula socodsiiyeen hay’adaha amniga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay “Golaha waxa uu walaac ka muujinayaa sheegashada Puntland ee weerarkaas”, wuxuuna ku baaqay in Galmudug iyo Puntland ay xiisadda dejiyaan.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in guddi wasiiro loo saaray inay baaritaan ku sameeyaan weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here