Su’aalihii aan weli laga jawaabin iyo xasuuqii ceelcade ee ciidamada kenya.

Weerarkii Ceel cade
Weerarkii Ceel cade

15-kii January 2016, dagaalyahano al-shabaab katirsan, ayaa weerar guuleeystay ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo. weerarkaas oo ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxay al-shabaab ku dishay ciidamo gaaraya ilaa 200 askari.

Inkastoo tirooyin is khilaafsan ilaa hada kasoo baxayaan ciidamadii halkaas lagu xasuuqay, ayaan hadan Dowlada kenya wali si rasmi ah u sheegin tirada ciidamadii halkaas lagu dilay, laakiin ilo ka madax banaan Kenya iyo al-shabaab ayaa sheegaya in ciidamadii halkaas lagu dilay ay gaarayaan 180-200 askari.

IMG_20160120_145712 2_10

Sidoo kale ilaa 120 askari oo weerarkaas kasoo badbaaday, ayaa hada lagu dabiibayaa Isbitaalada waaweyn ee magaalada Nairobi, sidoo kale ilaa 40 askari ayaa la sheegay in Ceel-cadde ilaa xuduudka Kenya oo lagu qiyaasay 100km ay orod kusoo gaareen markii uu bilaawday weerarka saldhiga, sidoo kale waxaa jira tiro ciidamo iyo saraakiil ah oo ay al-shabaab nolosha ku wadatay.

400-500 dagaalyahano al-shabaab katirsan, ayaa la sheegay ineey weerar ku ekeeyeen saldhiga Ceel-cade, iyagoona bilawgiiba ku qarxiyay Gaari ay kasoo furteen ciidamada Burundi, kaasoo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay weerar toos ah, iyadoo dagaalyahanada shabaabka ay dhinac walbo uga soo daateen saldhiga ciidamada Kenya ee Ceel-cade.

baacbf10 d48e4c21

Ciidamada Kenya ayaa xiligii uu socday weerarka Ceel-cade wax iska caabin ah muujin, iyadoo muuqaalo lasoo duubay ay muujinayeen iyagoo si hal-haleel ah uga cararaya saldhiga, taasoo shabaabka u sahashay ineey saacado kooban ku dilaan boqolaal kamid ah, sidoo kalena la wareegaan saldhiga.

Kadib bilooyin weerarkii Ceel-cade, al-shabaab ayaa warbaahinteeda gaarka ah kusoo bandhigtay Muuqaalo iyo sawiro ka tarjumaya jabkii xooganaa ay gaarsiiyeen ciidamada Kenya, waxeey soo bandhigeen Maydadka askar badan, sidoo kale waxay baahiyeen muuqaalada askar iyo saraakiil ay nolosha ku haayaan, sidoo kale waxey soo bandhigeen Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay qabsadeen.

Iyadoo ay al-shabaab khasaarahaas xoogan gaarsiisay ciidamada Kenya, hadana ilaa iyo hada majirto tallaabo cad oo ay ciidamada AMISOM qaadeen, marka laga reebo ineey duqeeyaan goobaha shacabka iyo xoolo dhaqatada ku nooshahay.

Tan iyo weerarkii Ceel-cade 15 January majirto ilaa iyo hada wax faahfaahin ah oo ay AMISOM ka bixisay khasaarihii weerarkaas ka dhashay, waana qeyb kamid ahs u’aalaha aan wali jawaabaha loo helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here