Sturridge oo ka maqnaan doonna kulanka Ukraine

314565_heroaDaniel Sturridge ayaa u safri doonin dalka Ukraine halkaas oo xulka England uu kula soo ciyaari doono kooxda waddankaas. ciyaaryahanka ayaa la soo sheegay in uu ka dhaawacanyahay suulka, wuxuuna u baahan yahay baxnaano iyo daween.

Sturridge ayaa dhaliyay shan gool afartii kulan ee kooxda Liverpool ka ciyaartay horiyaalka xaggaagan.

Ciyaaryahanka ayaa laga saaray garoonka Jimcihii dhawayd kulan xulka Ingiriiska uu ku xaaqay goolal 4 ah kooxda Moldova ciyaartaas ayaa ka dhacday garoonka Wembley.

Tabbabare Roy Hodgson ayaa sheegay in uu go’aan ku gaaray siddii uu khatar ugalin lahayn weerar yahanka ciyaarta ka dhaceysa magaalada Kiev Salaasada.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA-da ayaa lagu yiri ” Xiriirka FA-da wuxuu xaqiijinayaa in Daniel Sturridge uusan ku soo laaban karin ciyaarta England ee la lee dahay Ukraine oo ka tirsan is-reeb-reebka adduunka”

“Kooxda daweenta England ayaa noo sheegay in ciyaaryahanka kooxda Liverpool tan iyo Khamiista soo socota uusan ka qaybgali karin ciyaaraha, haddana Sturridge diyaar uma aha in uu ka qaybgalo ciyaarta Kiev ee habeenkii Salaasada dhaceysa, sidoo kale tabbabare  evening Roy Hodgson ilaa hadda kuma darin 23-ka ciyaartoy ee u safaraya Ukraine caawa fiidkii.” ayaa lagu sheegay warka qoraalka ee ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Ingiriiska.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester City, James Milner ayaa la filayaa in uu buuxiyo booska Sturridge kaasoo soo badhigaya ciyaarta Kiev.

Sturridge ayaa dhaliyay gool ciyaar kasta seddaxdii kulan ee horiyaalka Premier League ciyaartay naadiga Liverpool, wuxuuna ka dhigay kooxda Anfield in ay la wareegto hoggaanka horiyaalka.

Cayaaryahanka ayaa la sheegay in uu ka maqnaan doono kulanka Liverpool ay u safreyso  Wales halkaasoo ay isku soo arkayaan Swansea ciyaarta xigta horiyaalka September 16.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here