Sturridge: Liverpool waa kooxda ugu wanaagsan England

23-jirkan ayaa dhawaan ku soo biiray kooxda  Reds-ka ayaa sheegay in kooxda uu la joogo ay tahay kooxda ugu wanaagsan waddanka Ingiriiska.

Ciyaaryahanka ayaa goolkiisii koobaad dhaliyay Axadii toddobaadkan markii ay koobka  FA Cup  2 iyo 1 kaga badiyeen kooxda Mansfield.

Ciyaaryahankan ku dhashay magaalada Birmingham ayaa ugu soo biiray kooxda Liverpool lacag gaareysa ilaa 12 million markii uu ka yimid kooxda Chelsea.

Wuxuu sheegay fursada uu hadda ku heesto kooxda Reds in aysan horrey ugu soo marin intii uu joogay garoonka Stamford Bridge.

“Waa kooxdii iigu weyneed aan u ciyaaro ebid horiyaalka Premier League, ma jirto koox ka wayn Liverpool,” ayuu ku sheegay website-ka kooxda.

Isagoo intaas ku daray in uu uga mahadcelinaayo fursada ay siisay kooda si u soo bandhigo ciyaarihiisa, waxa uu yiri alle ayaan u mahadcelinayaa kaddibna kooxda Liverpool oo fursadan isiisay.”

Wuxuu kaloo sheegay in qof waliba uu mar uun ka soo bandhigo adduunka waxa uu yahay.

Sturridge ayaa lagu badalay Luis Suarez markii ay ciyaarta ay mareysay 55-daqiiqo, kulannkii ugu horreeyay ee kooxda u cayaaro.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here