Stanbul:Soomaaliya iyo Soomaliland oo wadahadalo hordhac ah yeeshay

Wadahadalo heer Farsamo ah, ayaa maanta magaalada Stanbul, waxaa ku yeeshay wakiilo ka socda Soomaaliya iyo Soomaaliland, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka wasaarada arimaha dibada dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyo madaxweynaha maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida soo socota ay ku kulmaan magaalada Ankara, halkaas oo ay kadhici doonaan wadahadalada rasmiga ah.

Dhanka kale wafdi hordhac ah oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka doowlada Soomaaliya, C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa maanta gaaray dalka Turkiga.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan halkaas uu gaari doono Madaxweyne jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Doowlada Turkiga ayaa dooneysa ineey wadahadashiiso labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo maalmo kahorna uu Stanbul gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here