Stanbul: saraakiishii af-gambiga hogaamineysay oo la xiray (Sawiro)

13659002_881012775336060_1243372971541168793_nIn ka badan 50 ruux ayaa ku dhimatay af-gambigii dhicisoobay ee ay xalay isku dayeen qaar kamid ah saraakiisha Milatariga Turkiga.

Wasiirka Cadaalada Turkiga, ayaa xaqiijiyay in 754 kamid ah saraakiishii hogaamineysay isku daygaas fashilmay xabsiga loo taxaabay., sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dhamaan gobolada dalka Turkiga laga furay baaritaano la xiriira isku dayga af-gami ee fashilmay.

13718711_881012745336063_7828195405363993992_n

Wariyaasha ku sugan Stanbul iyo Ankara, ayaa soo sheegaya in Diyaaradaha dagaalka ee ay wateen kooxaha af-gambiga isku dayay, ay rasaas la dhaceen iyo gantaalo shacabkii kasoo horjeestay, waxaana la xaqiijiyay dhimashada in kabadan ilaa 50 ruux, 12 kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa ciidamo Boolis ah.

Sidoo kale Tv-ga Al-jazeera ayaa baahiyay in sarkaalkii hogaaminayay Af-gambiga la dilay.

13680841_881018488668822_5005280768741156466_n 13680916_880960875341250_2089912247525640043_n

Xaalada Turkiga ayaa hada u muuqata mid xoogaa yara dagan, waxaana goordhow magaalada Stanbul gaaray Madaxweyne Erdogan, waxaana si weyn usoo dhaweeyay shacab taageersan.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim, ayaa amar ku bixiyay in lasoo rido diyaaradaha dagaalka ee ay wataan kooxaha isku dayay af-gambiga, waxaana hada hawada dalkaas oo dhan heehaabaya Diyaarado dagaal oo taabacsan doowlada, kuwaasoo diyaar u ah ineey fuliyaan amarka Ra’iisulwasaaraha.

13692751_881012792002725_476483372874904595_n 13726604_881018518668819_5072591897255112677_n 13754165_881012748669396_2428732628637470647_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here