Stanbul: Erdogan oo hadlay & Mareeykanka oo taageero u muujiyay

3653AB8700000578-3692693-image-a-1_1468637136939Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa kasoo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan kuna sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Mr Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay afgembiga u muuqda inuu dhicisoobay, ay muteysan doonaan ciqaab adag.

Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay “nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay “inta badan gacanta ugu jirto dowladda” ka dib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka.

365327F700000578-3692693-image-a-68_1468625026236

Waxaa hadda hawada dib ugu soo laabtay telefishinka ay dowladda leedahay ee TRT, kaasoo ay ciidanka gadoodsan ka jeediyeen fariintooda. Weriyaha warka baahisay ayaa sheegtay in qori lagu hayay marka ay akhrineysay.

Kumannaan qof oo diidan isku-dayga afgembi ayaa isugu soo baxay wadooyinka Istanbul iyo Ankara.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in 17 askari oo boolis ah lagu dilay xarunta ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ankara.

3652661C00000578-3692693-The_Turkish_military_has_detained_unarmed_civilians_pictured_min-a-95_1468615344718

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa telefoonka kula hadlay dhigiisa Turkiga, waxaana uu u sheegay in Maraykanka uu taageersan yahay dowladda dimuqraadiga ah ee Turkiga.

Waxaa taageera noocaasi ah Turkiga u muujiyay dalalka Jarmalka, Ruushka, iyo Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here