St Louis:Somali dilay Soomaali kale kadibna isagii Is dilay

Muran Ka dhacay gudaha Xaruun ganacsi oo dhinaca xanaanada Caafimaadka Xoolaha oo ku taal magaalada St. Louis.ee dalka Mareeykanka ayaa dhalisay in toogasho lagu dilo 3 qof kadibna ninkii dilka geystay uu isna is dilay, sidalaga soo xigtay Sarkaal saroo Booliska Mareeykanka ka tirsan.

Qaar kamid ah ehelada halkaas ku dhintay ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu asal ahaan kasoo jeedo Soomaali, dadka la dilayna qaarkood ay ahaayeen Soomaali qaraabo ah.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu kamid ahaa milkiilayaasha xaruunta Xanaanada Xoolaha, halka dadka la dilayna ay ahaayeen dad goobta wax ka iibsanayay.

Muuqaalada ay duubeen Kaamirooyinka goobta ku xirnaa ayaa muujinaya Muran dhexmaraya ninka wax dilay iyo dadka la dilay, kadibna ay xigtay rasaas uu ninkaan huwiyay 3da qof kadibna uu isaga is toogtay.

Qof ka ag dhawaa goobta uu dilka ka dhacay aya sheegay in uu maqlay rasaas kadibna uu u yeeray Ciidamada Booliska, meeshaan uu dilka kadhacay ayaa ah goob ay intabadan ku ganacsadaan dadka madaowga ah.

Inkastoo aan si rasmi ah wali loo shaacin magacyada dadka ku dhintay falkaan, ayaa hadana dadka halkaas ku dhintay dhamaantood da’dooda waxaa lagu sheegay ineey u dhaxeeyso 40-50 sano jir.

Cabdi Cilmi Cabdi Salaan, oo kamid ah Soomaalida ku nool St. Louis. Islamarkaasna ah Wade Taxi, ayaa sheegay inuu ka ag dhawaa goobta uu dilka ka dhacay, waxaana uu sheegay inuu arkayay ninkaan oo rasaasta ku furaya dadka kadibna isaga is toogtay.

Waa markii ugu horeeysay uu shaqsi Soomaali ah oo ku nool Mareeykanka uu rasaas ku foro Soomaali kale, dabadeedna isga  is dilo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here