Spalletti oo ku qanacsan in uu sii joogo Russia

Tababaraha kooxda Zenit St Petersburg, Luciano Spalletti ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay la joogitaanka kooxda ka dhisan dalka Ruursh-ka.

Spalletti oo ku faraxsan in uu la joogo Zenit St Petersburg
Spalletti oo ku faraxsan in uu la joogo Zenit St Petersburg

Isagoo la hadlaayay Mattina Sport. Ayaa yiri : “Aad ayaan ugu faraxsanahay in joogo Russia. Kuma fikiraayo in aan halkan ka tago.

War la soo dhigay barta Internet-ka kooxda ayaa iyana lagu yiri “ Waa tababare da’ yer oo aad u wanaagsan, aad ayaan qadarin ugu heynaa in uu sii joogo Zenit.”

54-jirkan ayaa lagu xagliyay in uu ka dhaqaajin doono Moscow isagoona u socda Talyaaniga iyo kooxda Milan.

Wuxuu kooxda ku biiray Spalletti sannadkii 2009-ka, wuxuuna tan iyo xilligaas kooxda ay ku guuleesto labo horiyaal iyo koobab kale.

Spalletti wuxuu horrey macalin ugu soo noqday kooxaha Sampdoria, Udinese iyo Roma – wuxuuna heshiiska uu kula joogo kooxda Russia ku egyahay sannadka 2015.

Zenit, waxa ay hadda ku jirtaa kaalinta labaad ee kala horeynta horiyaalka, waxaa ay seddax dhib ka hooseesaa kooxda CSKA Moscow oo hadda ciyaarta afar kulan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here