Spain oo Markab Dagaal Usoo Dirtay Xeebaha Soomaaliya

Markab hor leh oo ay leedahay Dowladda Spain ayaa soo gaaray xeebaha Soomaaliya kaasi oo qayb ka ah hawlgalka ladagaalanka Burcadbadeedda Soomaalida.

Markabkani dagaal oo lagu magacaabo IYONAFOR ayaa ka mid ah maraakiibta dagaal ee ugu casrisan kuwa ay Spain leedahay waxaana lasheegayaa in Xeebaha Soomaaliya loogu soo diray ka dib markii beesha Caalamka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada kooxaha burcad badeedka Soomaalida.

Hawsha markabkani ayaanan ku koobnaan doonin keliya la dagaalanka kooxaha burcad badeedka Markabkani dagaal ayaa sidoo kale hawshiisu noqon doonta kahortaga burcad badeedka, la dagaalanka kala dhoofinta muqaadaraadka, ilaalinta kooxaha argagixisada caalamiga ah in ay biyaha Soomaaliya u soo baxsadaan, iyo sidoo kale ilaalinta arimaha deegaanka maadaama ay heystaan Ciidamada Badda ee Spain agab farsamadiisu ay sareyso oo hawlahaasi oo idil u fududeynaya.

Xeebaha Soomaaliya waxaa kusugan maraakiib dagaal oo qayb ka ah hawlgalka ay reer galbeedku ugu yeeraan ladagaalanka Burcadbadeedda Soomaalida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here