South Africa iyo Somalia oo xiriirki ugu horeeyey ee diblamaasiyadeed sameystay

Dowlada South Africa ayaa ku dhawaaqday in ay dalka Soomaaliya la sameysatay xiriirki ugu horeeyey ee diblamaasiyadeed, taasi oo la rajeynayo in ay wax weyn ka tarto jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Africa.

Hadal laga soo saaray wasaarada arimaha dibada South Africa ayaa lagu sheegay in calaaqaadaka cusub ee labada dal uu ka caawin doono dalka ay la dageen dagaalada iyo colaadaha ee Somalia raadintiisa dhanka nabada iyo dimoqraadiyada.

Wasiirka arrimaha dibada South Africa haweeneyda la yiraahdo Maite Nkoana-Mashabane ayaa heshiis rasmi ah shalay la gaaray wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, waxaana heshiiskaasi ku jira in danjirayaasha South Africa u fadhiya Soomaaliya ay si KMG u masalaan holaha Soomaaliya ilaa ay South Africa safaaradeeda rasmiga ah uga furaneyso magaalada Muqdisho.

Wasiirada arrimaha dibada South Africa ayaa iyada oo fikirkeeda ka hadleysa ku sheegtay wadada kaliyah ee nabada loogu soo celin karo Soomaaliya in ay tahay wada hadalo lala galo kooxaha hubeysan.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, C/laahi Xaaji Xasan ayaa isna ku sheegay heshiiskan mid wax ka tari doona xal u helida dhibaatooyinka Soomaalida ku heysto south Africa.
“Waxaan ka rajeyneynaa in laga furo South Africa safaarad si ay wax uga tarto dhibaatada dadka Soomaaliyeed, waxay jaaliyada la xiriiri kartaa safaarada taasi oo aan rajeyneyno in ay wax ka qaban doonto,” ayuu yiri.

South Africa oo xoriyada ka qaadatay cadaanki gumeysan jiray bilowgi sagaashamaadki ayaanan wax xiriir diblamaasiyadeed ah la yeelan Soomaaliya hada ka hor.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.