Soomali loo heysto Weerarkii Westgate oo maxkamad kasoo muuqday

Garoowe: 8 Al-Shabaab ah oo min 20 sano lagu xukumay
Xukun Maxkamadeed

Maxkamadeynta Afar nin oo Somali ah oo lala xiriirinayo weerarkii westgate Mall ee waddankaasi Kenya ayaa lagu waramayaa in dib loo dhigay taa oo mudo kahor ladoonaye in dib loo bilaabo.

Raggan somalida ah ayaa kucabaya in marlabaad jirdil loogu geystay gudaha xabsiga ay kuxiranyihiin ,iyagoo cabasho ugudbiyay qareenada difaacaya iyaga.

“Ilaalada xabsiga waxa ay dhowr mar jirdileen maxaabiistan somalida ah ,xitaa dhaawacyo ayaa soo gaaray waxayna gaartay in isbitaalka loola cararo” ayuu yiri Mwaniki Gachomo oo katirsan qareenada daafacaya raggan somalida ah oo lahadlay wakaalada wararka ee AFP.

Sarkaal uhadlay ciidamada dowlada Kenya ayaa sheegay in ay baaritaan kuwadaan arintan war dhab ahna ay kasoo gaari doonaan marka baaritaanka uu idlaado.

Raga somalida ah ee lagu eedeenayo in ay xiriir laleeyihiin Al-shabab ee kadambeeyay weerarkii westgate ayaa waxa ay kala yihiin Hussein Hassan Mustafa, Mohammed Ahmed Abdi, Liban Abdullah Omar iyo Adan Mohammed Abdikadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here