Soomaaliya:Maxaa lagu Xasuusan Doonaa Sanadka 2012 – Warbixin

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2012, waxaa gudaha Soomaaliya ka dhacay Isbadalo waaweyn, oo isugu jiray kuwo farxadeed iyo kuwo murugo reebay intaba, waxaana aad loo Xasuusan doonaa ALLAHA unaxariistii wariyayaashii naftood hurayaasha ahaa ee sida gardarada ah loogu xasuuqay maqwaayada The Village.

Magaalada Muqdisho oo mudo 22 Sano ahayd hooy u ahayd dagaalada, dilalka, shirqoolada, afduubka, ayaa waxaa lawada xasuusan doonaa in Sanadkii lasoo dhaafay ay Isku badashay magaaladii Nabadda Dimoqraadiyada, iyo horumarka, kadib markii lagu ansixiyay dastuurka Cusub ee Soomaaliya, sidokale waxaa lagu dhisay gollaha baarlamaanka iyo gudoomiyahooda, waxaa kaloo aad loo wada xasuusan doonaa doorashadii taariikhiga ahayd ee lagu doortay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo magacaabay RW Saacid, kaasoo isagana markii ugu horeesay soo dhisay Xukuumad aad u kooban kana kooban 10 wasiiro, waxaana sidokale markii ugu horeesay Ra’iisulwasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay haweeneey, taasoo iyadana kamid noqon doonta waxyaabaha lagu xasuusan doono Sanadkii tagay ee 2012-ka.

Xasan iyo Saacid ayaa waxay sheegeen in howsha ugu badan ee ay qaban doonaan inta ay xilka hayaan ay tahay sidii dalka ugu soo dabbaali lahaayeen nabad iyo kala dambeyn, ayna dalka u gaarsiin lahaayeen sidii ay uga dhici lahayd doorasho xor ah oo ay dadweynuhu soo doortaan mas’uulkii hoggaamin lahaa.

Qaraxyadii maqaayada The Village iyo Tiyaatarka Qaranka:

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2012, waxaa Soomaaliya qaasatan Muqdisho ka dhacay falal aadnaxdin ulahaa islamarkaasna ummadda Soomaaliyeed aaneey hilmaami doonin, waxaana kamid ah dhacdooyinkaas Xasuuqii bishii Abriil kadhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo qarax ismiidaamin ah oo ay fulisay qof haweeney ah uu ka dhacay, waxaana ku dhintay xubno ay ka mid ahaayeen madaxdii isbrootiga Soomaaliya, waxaana qaraxaas uu dhacay xilli ay halkaas ka socotay munaasabad ay hadallo ka jeedinayeen xubno ka tirsan xukuumaddii KMG ahayd sida ra’iisul wasaarihii hore, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)..

Xubnihii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid ahaa: guddoomiyihii xiriirka Olombikada Soomaaliyeed, Aadan Xaaji Yabaroow Wiiq iyo gudodomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Siciid Mugaambe. Iyadoo mas’uuliyadda qaraxaas lagu eedeeyay Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale bishii Sebtember 20-keeda xili ku began Salaada Maqrib waxaa qaraxyo Ismiidaamin ahaa iyo weerar toos ahaaba laguq aaday maqaayada The Village, oo daris la ah guriga Hooyooyinka, aadna ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkaas waxaa ku naf waayay dad ka badan 30-qof oo ay ku jireen saddex wariye oo lab ka mid ah ay ka howlgalayeen idaacadda ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Qaraxaas oo ay fuliyeen laba wiil oo xirnaa dharka ciidamada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay Al-shabaab, balse Al-shabaab way ka gaabsatay inay qaraxaas sheegato ama ay diiddo. Iyadoo suxufiyiinta sannadkan ku dhintay Soomaliya lagu kala digay, Somaliland, Puntland iyo deegaannada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale bishii May ee Sanadkaas waxaa weerar Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb, ee Xaruunta gobolka Gal-gaduud, qaraxaas oo kadhacay meel Maqaayad ah ayaa waxaa ku naf waayay masuuliyiin katirsanayd maamulka Ahlusuna iyo Baarlamankii KMH ahaa ee xiligaas jiray.

Xubnihii ku dhaawacmay qaraxaas waxaa ka mid ahaa Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo dhaawiciisa loo qaaday dalka Itoobiya, waxaana shirkii ka socday degmada Dhuuso-mareeb uu ahaa mid looga hadlayay sameynta maamul goboleed laga hirgeliyo bartamaha Soomaaliya.

Jabkii Al-shabaab:

Sidoo kale Sanadkii lasoo dhaafay bulshada Soomaaliyeed waxay aad ugu Xasuusan doonaan in Al-shabaab ay isaga baxeen magaalooyin dhowr ahaa kadib markii ay culays milatari kala kulmeen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Magaalooyinka kabaxay gacanta Al-shabaab waxaa kamid ahaa, Muqdisho, Kismaayo, Afgooye, Jowhar, Marka, W/weyn, B/weyne, Baydhabo, iyo magaalooyin kaloo farabadan.

Sidoo kale waxaa Sanadkii lasoo dhaafay lagu Xasusuan doonaa in markii ugu horeesay magaalada Muqdisho laga hirgaliyay nalalka ku shaqeeya Cad-ceeda, kuwaasoo ay ku deeqday doowlada Norway, sidokale waxaa markii ugu horeesay garoonka Stadio Koonis la dhigay Cowska macmalka ah oo ay ku deeqday FIFA.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here