Soomaaliya oo lagu qabanaayo tartanka kubadda cagta CECAFA

Guddiga Ciyaaraha kubadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika, ee magacooda loo soo gaabiyo (CECAFA) ayaa sannadkan koobka Kagame Club cup, waxa ay ku qabanayaan gobalada dagaalada ay burburiyeen ee Sudan Darfur iyo Gordofan, si loo dhiirigaliyo nabadda iyo horrumarka kubadda dalka ay dagaalada ka socdeen.

Xoghayaha CECAFA Nicholas Musonye oo ka hadlay arrimo dhowr ah
Xoghayaha CECAFA Nicholas Musonye oo ka hadlay arrimo dhowr ah

Waxaa hadalkan shaaciyay xoghayaha xiriirka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Africa, Nicholas Musonye isagoona intaas ku daray in ay fikirayaan tartanka in lagu qabto dalka Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in guddiga ciyaaraha gobalka , uu mar kasta go’an yahay siddiii nabadda loogu dhisi lahaa kubadda, wuxuu yiri nabad in la helo waxaa door looga qaadan doonaa in la qabto tartamo caalami ah.

“Sannado badan, CECAFA waxa ay u olaleeeneysay nabadda gobalka, waan sameenay waana sii wadi doonaa.hadda tartanka CECAFA waxaa lagu qabanayaa Darfur koofurta Gordofan, waan sii wadi doonaa qorshaha noocan o kale ee ah in la baahiyo nabadda” Mr. Nicholas Musonye ayaa sidaas u sheegay wareysi ay la yeelatay warbaahinta CECAFA.

Ma la weydiiyay in tartanka marka laga reebo ku qabashada Darfur iyo Gordofan  in ay ku qabanaayaan meelo kale? wuxuu xoghayaha hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay markasta ka warhayaan , kana fikiriyaan siddii loogu qaban lahaa tartanka CECAFA.

Wuxuu sheegay in CECAFA uu ka warhayo shaqada ay qabtaan guddiga ciyaaraha Soomaaliya iyo kubadda gacan ka geesatay nabadda Soomaaliya.

Isku soo duub tartanka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Africa ayaa sannadkii mar la qabtaa, waxaana sannadkan uu billaaban doonaa 18-ka bisha June, wuxuu socon doonaa labo toddobaad isagoona soo afjarmi doona 2-July ee sannadkan 2013-ka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here