Soomaaliya oo kamid noqoneysa gudiga Xuquuqul Insaanka ee QM

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay kadib kulankii dhex-maray Madaxweynaha iyo khabiirka madaxa-banaan ee Ummadaha Midoobey u magacaabeen Xaaladda Binii’aadanimada Soomaaliya Dr.Shamsul Bari, ayaa Soomaaliya dooneysaa in ay u tartanto in ay xubin ka noqoto Guddiga Dhawrida Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey, war-saxaaafadeedka ayaa loo ndhigey sidaan:

WAR SAXAAFADEED

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan ku saabsan Xuquuqda Aadanaha la yeeshay Khabiir ka socda Qaramada Midoobay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kusoo dhoweeyey xaruntiisa Villa Soomaaliya khabiir ka Madaxabanaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya mudane Shamsul Baari.

Kulankan muhiimka ah ayaa Madaxweynaha iyo Khabiirku ay saxaafadda u jeediyeen shir jaraa’id oo wadajir ah.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ku bilaabay hadalkiisa Tacsi uu u diray Ehelkii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen muwadiniintii ku geeriyooday qaraxii maalin hore ka dhacay magaaladda Muqdisho. Kadibna wuxuu ka hadlay arimaha ku aadan xuquuqul insaanka.

“Soomaaliya waxey dooneysaa in ay xubin ka noqoto Gudiga u Qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee Qaramda Midoobay. Waana in aan ka noqono hormuud dhinaca Xuquuqul Insaanka. Sidoo kalena aan waafajino wax walba oo aan qabaneyno.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in uu dib u habeyn ku sameeyo, dowladda qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga iyo Cadaaladda.
Mar-dhaw ayaa magaaladda Muqdisho waxaa ka dhici doona shir loo qaban qaabiyay sidii loogu hormarin lahaa oo dib u habeyn loogu sameyn lahaa cadaaladda iyo amniga. Waxaana ka soo qeyb geli doona quburo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.”

Ugu danbeyntii ayaa Madaxweynuhu wuxuu yiri” waxaan idiin xaqiijinayaa , dhammaan muawaadiniinta Soomaaliyeed in muhiimadda Tiirka kowaad ee dowladda uu yahay Amniga taasna qeyb uu ka yahay xuquuqul Insaanku . Waana ay ka go’an tahay dowladda Insha Allahna waan gaari doonaa.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here