Soomaaliya oo ka qaybgaleysa tartanka kubadda kolayga ee caasimadaha

Ciyaartoydii ka qaybgalay tartankii degmooyinka G/Banaadir
Ciyaartoydii ka qaybgalay tartankii degmooyinka G/Banaadir
Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ka ambabaxay ilaa 15-xubnood oo isugu jirra ciyaartoy iyo masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga.

Waxa ay ka qaybgalayaan tartanka kubadda kolayga Caasimada dalalka ku yaalla bariga iyo bartamaha Africa.

Tartankan ayaa la ii sheegay in ay ka qaybgalayaan ilaa 8-magaalo oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Africa, waxaana qaar ka mid ah u matalaya ilaa labo koox.

Soomaaliya waxaa uga qaybgalaya labo magaalo oo kala ah Muqdisho oo caasimada Soomaaliya iyo Gaalkacyo oo ah xaunta gobalka Mudug.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga Ibraahim Xuseen Roombe oo la hadlay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in tartankan uu billaabi doono maalinta berri oo ay bisha ku beegan tahay 29-ka April waxaana uu socon doonaa ilaa 4-ta bisha May ee sannadkan.

Tartanka ayaa isku aadkiisa waxaa lagu dhawaaqi doonaa caawa geeska Africa marka ay tahay 8-da habeenimo, marka ay soo dhammeestirmaan kooxaha ka qaybgalaya tartanka.

Kooxda Muqdisho uga qaybgalaya ayaa inta badan laga xulay magaalada Muqdisho, waxaana ku jirra ciyaartoy ka qaybgashay tartankii degmooyinka ee kubadda Kolayga magaalada Muqdisho.

Kooxda ka socota magaalada Gaalkacyo ayaa u badan ciyaartooy ka imaaneysa waddamada qurbaha sida Maraykanka iyo Cannada.

Wixii ku soo kordha tartankan oo sannadkii mar la qabto waxa aad kala socon kartaan Shabakadda Midnimo.com oo wariyaal ay u joogaan magaalada Kampala.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here