Soomaaliya oo dib usoo ceshaneysa hanti kaga xayiran Caalamka

Doowlada Soomaaliya, ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay xusul duub xoogan ugu jirtay sidii ay usoo ceshan lahayd hanta uu leeyahay qaranka Soomaaliyeed, taasoo ku xayiran dibadaha, hantidaan ayaa isugu jirta lacago laxayiray markii ay bur burtay doowladii dhexee ee milatariga 1991, sidokale waxaa kamid ah hantidaas, Maraakiib, Diyaarado, iyo hanta kale.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka Marwo Foowsiyo Xaaji Aadan, ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay Safaro kusoo kala bixineeysay amaba ku mareeysay dalalbadan oo Yurub katirsan, ujeedada Socdaalka wasiirada ayaa qayb ka ah sidii loosoo celin lahaa hantidii dhuntay ee uu lahaa qaranka Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada  Nairbo ee caasimada wadanka Kenya oo soo xiganaya wareysi uu siiyey danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Calinuur America ayaa ku waramay in wasiirka arimaha dibada Soomaaliya safarada ay ku  mareyso wadamo dhowr ah ay uga gol leedahay sidii ay dalalkaas uga dhaadhicin lahayd iney dib gacanta dowlada Soomaaliya ugu soo celiyaan hantidii ay lahayd dowladii Soomaaliya taas oo uu sheegay safiirku in qaar kamid ah la boobay halka qaar kalane ay ku xayirantahay wadamada gacanta ku haya.

Wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foowsiyo oo hada kusugan magaalada London, ayaa sida warbixintaan uu safiirka ku sheegay waxaa u qorsheeysan ineey booqato wadamada, Talyaaniga, Jarmalka, Imaaraadka Iyo Yeman, wadamadaan ayaa waxay gacanta ku hayaan hanta farabadan oo ay leedahay Soomaaliya, waaxana ay kala hadli doontaa sidii mar kale gacanta doowlada loogu soo celin lahaa, maadama dalka hadda uu yeeshay doowlad rasmi ah.

Bishii November  ee sanadkii dhamaaday ayey ahayd kadib markii ay waraaq codsi rasmi ah gaarsiiyeen qaramada midoobe golaha wasiirada Soomaaliya oo qaramada midoobe ka dalbaday in dhamaan hantida Soomaaliya ka maqan dib loogu soo celiyo gacanta dowlada Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale jirtay xili ay wasiirada arimaha dibada Soomaaliya ku sugneed fadhiga baarlamaanka in  la weydiiyey waxa uga qorsheysan hantida Soomaaliyeed ee ku maqan caalamka waxayna xiligaas ku nuuxnuuxsatay iney baadi doon u gali doonaan hantidaas ka maqan Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here