Soomaaliya oo dib u bilaabeeysa dhoofinta Mooska

Soomaaliya oo kamid ah wadamada ugu soo saarka badan Mooska, ayaamarkale tallaabo u qaaday in dibadda ay udhoofiso mooska ugu tayada badan Caalamka.

Bilawgii bishan December 16-keeda ayaa magaalada Muqdisho,waxaa laga hirgaliyay Shirkad dhoofisa Mooska, Muqdisho ayaa hadda si aad ah uga soo kabaneeysa dhibaatooyinkii dagaalada rajaduna waa mid aad u fiican.

Kadib markii ay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo garab milatari kahelaya kuwa AMISOM ay sanadkii lasoo dhaafay waxay magaalada Muqdisho ka saareen Al-shabaab oo iyaga sabab u ahaa dhibaatooyin farabadan iyo hoos udhaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Bixitaankii Al-shabaab kadib, waxaa si tartiib tartiib ah usoo hagaagaya Caasimada Muqdisho, waxaa bilaawday ganacsi Xoogan iyo maal-gashiyo ay samaynayaan ganacsatada iyo qurbo joogta Soomaaliyeed.

Shirkadda “Fruit Som” ayaa waerbaahinta gudaha usheegtay ineey qorsheeynayaan ineey ballaariyaan wax soo saarla Mooska Soomaaliya, islamarkaasna ay dabooli doonaan baahida mooska dibadda loo dhoofiyo.

Shiikh Cismaan, oo ah madaxa shirkada “Som Fruit” ayaa sheegay inuu rajeeynayo in boqolaal kamid ah beeraleeyda abuurata Mooska ay ka faa’iideysan doonaan mashruucaan, islamarkaasna ay dabooli doonaan baahida Mooska dibadda loo dhoofinayo.

Mooska dibadda loo dhoofiyo ayaa waqti waxa uu ahaan jiray daqliga ugu badan ee Soomaaliya soo gala, laakiin waxa uu hakad kuyimid 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Kahor inteeysan dhicin xukuumadii dhexe ee Soomaaliya 1991, Soomaaliya waxay sumcad iyo qadarin ku lahayd soo saarida Mooska tayada leh, Soomaaliya waxay kaloo ahaan jirtay doowlada ugu soo saarka badan Mooska gaar ahaan qaarada Afrika, waxaana loo dhoofin jiray Suuqyada Bariga dhexe iyo Yurub.

Tirakoob dhowaan lasameeyay ayaa lagu sheegay in Mooska Soomaaliya uu wali leeyahay Suuq loo iib geeyo, waxaana loo dhoofiyaa wadamo ay kamid yihiin, Imaaraadka Carabta iyo Iiraan.

Sidoo kale Culumo ku taqasustay wax soo saarka beeraha ayaa qiray in Mooska Soomaaliya uusan laheen aafo ama jirooyin ku dhaca, waxaana usabab ah sida ay sheegeen in lagu beero Carada Wabigaoo ay kabuuxdo sida la rumeysanyahay maado kahor tagta waxyaabahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here