Soomaaliya & Morocco oo kala saxiixday Heshiis Muhiim ah

Wasiirka oowqaafta & diinta Baqdaadi
Wasiirka oowqaafta & diinta Baqdaadi

Labada dal Soomaaliya iyo Morocco, ayaa maanta magaalada Rabaad ku kala saxiixday heshiis iskaashiga dhanka waaya aragnimada iyo khibradd arrimaha Diinta.

Dhinaca Soomaaliya, waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim(Baqdaadi) iyo Dhigiisa dalkaasi Axmed Al-towfiiq.

Heshiiskaa kadib, waxay labada wasiir munaasabadaa isku dhaafsadeen, hadallo ka tarjumayay cilaaqaadka labada dal, iskaashiga Culumada Soomaaliya iyo Marocco iyo guud ahaan arrimaha qadiyadaha shucuubta Islaamka.

Source: Sonnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here