Soomaaliya iyo Syria oo meelo badan isaga ekaaday

Waa aabo iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa oo ka soo cararay colaada ka taagan dalkooda
Waa aabo iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa oo ka soo cararay colaada ka taagan dalkooda

Waxaan tan iyo Jimcihii na dhaafay aan si dhow ula socday wararka iyo muuqaalada laga soo warinayo xaallada ay ku sugan yihiin dadka reer Syria, waxaan dib u xasuustay arrimo badan oo qaar badan aan la soo kulmay ama ay la soo kulmeen Soomaali badan intii dagaallada sokeeye ay ka hol-cayeen dalkeena 23-kii sanno ee macsaleemeenay.

Inta aan u-galin dulucda qoraalkan kooban,oo aan hal ku dhig ugu asteeyay (Dagaalow sidda aad u mirato dad iyo duunyo haddii  la ogaan lahaa deg-deg umaadan dhaceyn), waxaan dib xasuustay dhacdooyin goobjoog u ahaa iyo kuwa dad la kulmay iiga sheekeeyeen.

Soomaalida waa ay ka dharagsan yihiin dhibka iyo boholyowga uu na-baday dagaalkii sokeeye,

*Wuxuu agoomo ka dhigay ubad badan oo aabahood lagu hor dilay ama iyagoo islaa wuxuu immaan loo sheegay in u ku dhacay madfac ama haleeshay xabad duuleysa.

* Wuxuu curyaamiyay dad lixaadkooda u dhammaa kana dhigay kuwa nolasha ka haray.

*Wuxuu ceyr ka dhigay oo meel maran iyo qoxooti baday qoysas ladnaa.

*Wuxuu badda ku daray oo aan dib loo arag raqdooda dad walwal qabin oo dalkooda jecelaa.

*Wuxuu duurka ku daray oo duur joogta marti uga dhigay dad maskaxdooda taam ah.

*Wuxuu adduunka qaraar uga dhigay kuwa badan oo u arkayay macaan.

*Wuxuu dalkooda ka barakiciyay oo qoxooti ka dhigay Soomaali badan oo dalkooda jecelaa.

*Waxaa la kufsaday hooyooyin umul ahaa iyo kuwa uur lahaa.

*Waxaa la arkay hooyooyin waddooyinka ku dhalay.

*Waxaa la arkay carruur badan oo gaajo u dhintay.

*Waxaa la xasuuqay dad badan oo aan dambi lahayn oo loo dilay qabiil iyo wax aaney ku lug lahayn.

Aabo Soomaaliyeed oo isaga iyo carruurtiisa ka soo baxday dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya oo baahi dartiis meel ku dhacay
Aabo Soomaaliyeed oo isaga iyo carruurtiisa ka soo baxday dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya oo baahi dartiis meel ku dhacay

Isku soo xoori, waxaan ka mid ahaa dadkii la soo kulmay dhacdooyinkan qaar ka mid ah, iyo kuwa kale oo aan jecleestay in aan soo bandhiggin balse xanuun lahaa.

Si kastaba, qoraalkan kore waxaa jecleestay in aan idinla wadaago annigoo ka duulaya arrinta Syria.

Dadka reer Syria dagaal sokeeye ayaa ku socda in ka badan seddax sanno, waxaana ay noqdeen qoxootiga ugu badan ee ka cararay dalkooda.

Jimcihii waxaa la xusay maalinta loo asteeyay qoxootiga adduunka, waxaana la soo bandhigay dhibaatada ay ku nool yihiin malaayin qoxooti reer Syria ah, kuwaasoo dalkooda ka cararay seddaxdii sanno ee la soo dhaafay ee dagaallada sokeeye ka socdeen dalkaas.

# Waxaan arkay hooyooyin iyo carruur badan oo ku nool xeryo loo barakacay oo ku yaalla dalalka dariska a.

# Waxaan arkay carruur badan oo ay la soo daristay wax barasho, caafimaad iyo daryeel la’aan.

# Waxaan kaloo ka damqaday carruur iyo waalidiin kala lumay oo ku kala nool waddamo kala fog.

# Waxaan la calool xumaaday markii aan arkay  hooyooyin badan oo asaay saaran oo ragoodii la dilay.

# Waxaan arkay guryo badan oo ku wax yeeloobay dagaallada sokeeye ee ka socda Syria.

# Waxaan arkay xaafaddo badan oo laga hayaamay aadna moodo meelo bahalo galeyn ah.

# Waxaan arkay rag badan oo shaqo la’aan la soo daristay kuwaasoo nolasha ka dhacay qoxootina noqday.

# Waxaan arkay hooyooyin iyo carruur tuugsanaya oo dawarsanaya waddooyinka.

Haddaba muuqaalkan aan ka soo sheekeeyay waa mid hadda ka taagan dalka Syria oo dagaallo sokeeye ay ka holcayaan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkeyga in uu Alle ka gabagabeeyo reer Syria dagaalka billowga u ah , maadama aysan ka bixi karin dhibaato kale, (Aamiin Aamiin).

Hooyo Soomaaliyeed oo ka soo carartay gurigeeda
Hooyo Soomaaliyeed oo ka soo carartay gurigeeda

SYRIA-CONFLICT

QaxootiDhadhaab

Sedra, waa 7-jir waxay la nooshahay qoyskeeda oo xero qoxooti ah oo ku taalla dalka Jordan
Sedra, waa 7-jir waxay la nooshahay qoyskeeda oo xero qoxooti ah oo ku taalla dalka Jordan
Sedra, waa 7-jir waxay la nooshahay qoyskeeda oo xero qoxooti ah oo ku taalla dalka Jordan
Sedra, waa 7-jir waxay la nooshahay qoyskeeda oo xero qoxooti ah oo ku taalla dalka Jordan

W/Q: Maxamedkaafi Cali Muumin

Mohamedkafi01@gamil.com

Wariye Madax-banaan (Freelance Journalist)

Mogadishu | Somalia

00252615517805/00252699904810

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here