Soomaaliya iyo Sudan oo kala saxiixday Heshiis Milatari

Heshiiskan ay kala saxiixdeen doowladaha Soomaaliya iyo Sudan, ayaa waxa uu yahay mid quseeya arimaha difaaca dalka Soomaaliya, iyo sidii Ciidanka Soomaaliya dib u dhis loogu samayn lahaa, tababaro dheeraad ahna loo siin lahaa.

Doowladaha Soomaaliya iyo Sudan, ayaa waxaa heshiiskan u kala saxiixay General Xasan Xuseen Muungaab iyo dhanka Sudan oo uu u saxiixay General Axmed Jaamac, oo ah gudoomiyaha Garsoorayaasha Ciidanka qalabka sida ee Sudan.

Qodobada sida gaarka ah ay ugu heshiiyeen doowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxaa kamid ah, in doowlada Soomaaliya si deg deg ah looga caawiyo dib u dhiska Ciidanka XD, iyo in taba baro dheeraad ah ay doowlada Sudan siiso ciidanka Soomaaliya.

Doowlada Sudan ayaa ballan qaaday in ay si deg deg ah u fulineyso taba baro dheeraad ah oo lasiiyo Ciidanka Soomaaliya.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen labada Jeneral , ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Sudan, waxaana heshiiskan lagu saxiixay xaflad xalay ka dhacday magaalada Khartuum ee wadanka Sudan.

Hishiiskan oo Qodoba badan taabanaya ayaa inta badan lagu Hishiiyay in Sida ugu dhaqsiyaha badan loo howlgaliyo ee aan waqti badan qaadan ka shaqaynta hishiiskaas.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/Xakiin Maxamuud Fiqi oo Hishiiskaas marka la saxiixay kadib ka hadlayay Goob Casho sagootin ah uu Dhigiisa u sameeyay ayaa si Qiimo badan ugu mahadnaqay Dowladda Walaaha Nahay  ee Sudan oo habeen iyo Maalin Garab istaagta Soomaaliya.

Dhanka Kale Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Sudan ayaa isagana sheegay in Ay ka shaqaynayaan Hishiiskan hirgalintiisa Sudan iyo Soomaaliyana aysan u arag in ay yihiin Laba dowladood ama laba shacab bal ay yihiin Hal shacab oo walaalo ah.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka difaaca Soomaaliya, ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Sudan, waxaana uu halkaas kulamo kala gooni gooni ah kula qaadanayay madaxda sare ee dalka Sudan, waxaana wafdiga wasiirka ay madaxda Sudan kala hadlayeen Caawin dhanka Ciidanka ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here