Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis kala saxiixday

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis is-faham cusub oo ku aaddan wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

Heshiiska ayaa la sheegay in lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, diblumaasiyadda, dhaqaalaha, maalgashiga iyo waaxyaha horumarinta, sida ay baahisay warbaahinta dalka Imaaraadka Caraabta.

Heshiiska ayaa waxa uu udub dhaxaad u noqonaya xiriir diblumaasiyadeed oo si deg-deg ah loo hirgaliyo iyo in dowladda Imaaraadka Carabta ay safaarad ka furato magaalada Muqdisho.

Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka dhaqaale ahaan aadka u horumaray ee Bariga Dhexe, ayaa ballan qaaday in uu qeyb weyn ka qaadan doono dib u dhiska Somaaliya.

Heshiiska oo ay wada saxiixeen wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo dhiggeeda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullahi Bin Zayad Al Nahyan, ayaa ku soo beegmay maalin kaddib markii Amiirka Imaaraadka Carabta uu la kumay madaxweynaha Soomaliya oo booqasho ku ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here