Soomaaliya iyo dhamaan dalaka Islaamka oo looga dhawaaqay Ciidul Fidriga

Dalka Soomaaliya iyo dhamaan dalalka kale ee Islaamka ayaa caawa loogaga dhawaaqay in beri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Kadib marki ay dadka Muslimiinta soomeen 30-ka maalin ee bisha Ramadaan oo ah bil barakeysan ayey umada Islaamka ah ku ciidi doonta birri oo Axad ah iyo maalinta xigta oo Isniin ah.

Magaalada Muqdisho waxaa caawa loogaga dabaaldagay munaasabada ciida buleeryo marki ugu horeysay laga diray madaxtooyada taasi oo ah mid ku cusub dadka sanadihi lasoo dhaafay.

Waxaa sidoo kale qeybo badan oo Muqdisho ah la riday rasaas iyo madaafiic loogu dabaaldagayo bisha Shawaal iyo munaasabada Ciidul Fidr.

Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta ayaa dhamaan laga wada ciidayaa maalinta berito ah iyadoona caawa loogaga dhawaaqay ciida.

Laakin Soomaaliya beri waxaanan laga ciidi doonin magaalooyin ku yaala Galguduud oo ay ka taliyaan Ahlu Sunna kuwaas oo sanad walba qilaafa dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, waxa ay ciidi doonaan maalinta isniinta.

Ciid wanaagsan ayaan leenahay dhamaan aqristayaasheena, sanadkaan sanadkiisa kale ku gaara nabad iyo baraare.

Cadarka udgooon iyo cuudka wanaagsan waa caaqibee aynu ku ciidno, Annaguna ciidnee idinkuna ciida nabadna ku caweeya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here