Soomaaliya iyo cudurka isbadal-doonka (W/q Axmed Xalaal)

Bismillaah, Insaanka waxaa lagu abuuray jeceylka isbadalka, oo horay ayaa waxaa loo yiri “wixi cusub caalamka ayaa jecel”. Fikradaha isbadal-doonka waxaa lagu yaqaanaa in ey marwaliba taaganyihiin oo eysan waqti laheyn, balse shacabka ayaa kala doorta waqtiga isbadalka loo baahanyahay iyo waqtiga uusan ku habooneyn, isbadalku waa dawo, dawadana lama cuno goorti lahelo ee waxaa la cunaa goorti loo baahdo.

1941-di ayey aheyd marki lagaaray waqtiga doorashooyinka madaxweynaha Mareykanka, iyadoo uu socda dagaalkii labaad ee aduunka, madaxweyihi waqtigaas Franklin D. Roosevelt oo waqtiga ka dhamaay ayaa lasii doortay mar sedaxaad, iyadoo dastuurka wadankaas uusan arintaas ogoleyn, maadaama madaxweynaha la dooran karo labo mar kaliyah, balse waxaa lagu jiraa waqti dagaal, Roosevelt ayaa sidaa ku noqday madaxweynaha kaliyah ee sadax mar loo doorto hogaanka mareykanka, dawadii isbadal-doonka ayaa meel la’iska dhigay, waxaana laga hor mariyay maslaxada umada.

Soomaaliya oo aha dal loo aqoonsaday in uu fashilmay (Failed state) waxaa kajira dowlad daciif ah, shacabkeedu la taagdaranyahay abaaro daashaday iyo dagaalo foolxun, waxey gaartay heer lagu duceesto ilaahow saan noo dhaan, waxaa lasoo dhisay dowlado badan oo kumeel gaar ah, qaarkood ma eysan dhaafin xaafadi uu daganaa madaxweynaha dowladaas, waxii lasoo socdaaba 2009-ki ayaa waxaa dowlad kumeelgaar ah lagusoo dhisay dalka Jabuuti, dhowr sano kidib hogaanki dowlada waxey ku guuleesteen in ey magaalda caasimada ka saaraan mucaaradka, amaankane ilaa iyo xad soo celiyaan, su’aasha ugu weyn waxey tahay 2-dii sano ee ugu horeysay maxey dowlada u qabsan weyday xamar, jawaabteeda waa cadahay oo waxaa sababay:

1-Madaxweynaha oo aan khibrad u laheyn hogaaminta dalka

2.Ciidamada dowlada oo aanan aqoon u laheyn madaxweynaha isla markaana ku kalsooneyn.

3-Ciidamada ajnabiga oo aanan dooneynin in ey dagaal galaan

4.Is fahanwaa u dhaxeeya siyaasadaha madaxweynaha iyo janaraalada ciidamada

5.Madaxweynaha oo aan kala aqaanin kan fiican iyo kan xun ee ku jira hogaanka ciidamada

6.Madaxweynaha oo aanan aqaanin halka ey ka dabacsanyihiin mucaaradka

7.Madaxweynaha oo aan taageero ka heysanin waxa loo yaqaano beesha caalamka (shidaalka ey ku dhaqaaqdo dowlada)

8.Shacabka oo si taxadar leh uga dhur sugaya madaxweynaha islamarkaane aanan siineynin taageera buuxda

9. Madaxweynaha oo aanan aqoon u laheyn shaqaalaha dowlada kooda fiican iyo kooda xun

10. Madaxweynaha oo aanan aqoon u laheyn wadada ugu fudud ee amaanka lagu hano karo

11. Iyo kun sababood oo kale

Hadaba dhowr sano kidib marki uu madaxweynihi uu jilbaha mutay, isla markaane jawiga kala fahmay, lana arkay natiijada khibradi u siyaaday, oo xamar la furtay, amaankii la hantay, goboladii lagu fidayo, ayaa mar qura waxaa hawada soomaaliya dabooshay daruur isbadal-doon, odayaal qurba joog u badan ayaa boorsooyinka soo xirxirtay si ey (isbadal) u sameeyaan, mar qura ayaa la wada yiri “Wiji Cusub”, waxaa meeshaas kasoo baxay in soomaalidu ey dawada cunto marka ey caafimaad qabto, balse ey ka dheeraato marka ey jirantahay, isbadalki wuu dhacay, waxaana ilaahey ka baryayaa in aanan laga shalaaynin oo ilaahey noo barakeeyo hogaankeena cusub, balse dhowrka qodob ee kor ku xusan waxaan ka baqaa in 3 sano kale madaxweynaha cusub ka cunto, kabacdine marki uu madaxweynuhu jawiga laqabsado aan hadana maqalnaa “Wiji Cusub”, taasoo nagalaneysa tiihii reer banii israa’il mid lamida. Wixi dhacaba dhaceene madaxweynaha cusub hala garab galo, hadii uu wax qabtana hala abaal mariyo, wijigaan cusub ee aad ku heeseysaane dib noogu dhiga, waxaan u baahannahay hogaamiye aan ku daba feelno si aan dhibka uga baxno, mana ubaahnin afar sano kastaa wiji cusub, xataa wadamada horomaray madaxweynaha hadii uusan gaf cad galin fursad labaad ayaa lasiiyaa, anagoo burbur hada kasoo baxnay ayaa maalin kasta waxaan dooneynaa wiji aan aheyn kii aan shalay aragnay, inta wiji cusub la raadinayo wijiyadii gaboobay yaanan la tabin.

Wabillaahi towfiiq

W/q Axmed Xalaal

Caadle2@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here