Soomaalida Sudan oo Dhigay Banaanbaxyo ay Uga Soo Horjeedaan Afgaadadii Nebigeenn Maxamed SWC–Sawirro

Khudbada Jimcaha ee Maanta oo inta badan Masaajidada dalka Sudan gaar ahaan kuwa kuyaala magaalada Casimada ah ee Khartoum waxaa looga hadlayay Filimkii Mareeykanka lagu sameeyay ee lagu Aflagaadeynayay Rasuulkeena Suuban Muxamed SWC.

Waxa ayna dhamaan Culumada Qudbooyinka Masaajidada ka simnaayeen Naqdinta ama Inkirida Ninkii Sameeyay Filmkaas iyo doowlada Mareeykanka intaba.

Salaadii Jimco kadib mar qura magaalooyinka waaweeyn ee dalka Sudan gaar ahaan magaalada Casimada ah ee Khartoum waxaa ka bilaabmay banaanbaxyo waaweeyn oo ay dhigayeen dadka reer Sudan oo ka careeysan Filimkaas Foosha xun si ay u muujiyaan Halka ay ka taaganyihiin Aflagaadeynta uu Nin Mareeykan ah ku Sameeyay Nabigeena Suuban SWC.

Ayadoo Banaanbaxyada laga dareemayay Magaalada oo dhan ayaa hadana banaanbaxyada ugu weeyni waxa ay ka dhacayaan sacadaan la joogo Safaaradaha Jarmalka ayadoo Afaafka hore ee Safaarada Jarmalaka dab la qabadsiyay, sidoo kale waxa ay Banaanbaxyadu ka sonayaan sacadaan la joogo Safaarada Ingiriiska iyo Waliba Irida hore iyo daafaha Dhismaha Safaarada Mareeykana ee Sudan tasoo ku taala goob magaalada ka yara durugsan.

Banaanbaxayaashu waxa ay gubeen Calamada Mareeykanka, Ingiriiska iyo kan Jarmalka ayagoo dhagaxyeeynaya dhismayaasha Safaaradahaas.

Banaanbaxyada ka soconaya Dhismaha Safaarada Mareeykanka oo ah kuwa balaaran ayaa haatan sii xoogeeystay Salaadii Casir kadib waxa ayna ay Doowladu soo saaray Cidimada booliska Rabshadaha ka hortaga ee Sudan kuwaasoo Banaanbaxayaasha ku tuurayay Gaaska Indhaha ka Ilmeeysiiya si ay u kala Diraan Banaanbaxayaasha oo Marba marka ka sii dabeeysa soo badanaya.

Banaanbaxyadaan waaweeyn ayaan ah kuwa aan ku simneen Sudan oo qura ayadoo maanta oo Jimca ahi ay Banaanbaxydu ka dhacayeen guud ahaan Wadamada Islaamka oo dhan kuwaasoo wali soconaya.

Laba Habeen ka hor ayeey aheed Markii Safiirkii Mareeykanka ee Libiya ay Banaanbaxayaal ka Careeysan ay ku dileen Magaalada Banqaasi ee dalkaasi Libiya ku waasoo ka soo hor jeeday Aflagaadada uu Nin Mareeykan ahi ku Sameeyay Nabigeena Subani Muxamed Salawaatullaahi Wasalaamuhu Calayhi.

Muslimiinta Caalamka oo dhan ayaa Maalmahaan ka careysan Filimka uu Ninka Mareeykanka ahi ku Aflagaadeeyay Nabigeena Suban NNKH, taasina waxa ay dhalisay in Wadamada Islaamka oo dhan ay maanta oo jimca ahi sameeyaan banaabaxyadaas Mareykanka ka dhanka ah.

 







Max’ed Ismaaciil Sh. Cumar “Khatami”

Sudan-Khartoum

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here