Soomaalida Minnesota oo Madxaf Furaneysa Sawiro

Madxaf lagu soo bandhigayo sawirro iyo qalab muujinaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya ayaa laga furayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Cismaan Maxamed Cali oo qorshahan madax u ah ayaa sheegay inuu soo uruuriyay qalab gaaraya 700 oo isugu jira, dhiilo, qori, argeeg, caw, hadhuub gaanle, sabraab, haamo, naadh ama qabbaal, wadaan, hargo, saamo, darmo, sibraar, saliyo, looxyadii quraanka iyo kuwo kale, kuwaasoo laga soo uruuriyay qeybo ka tirsan gobollada Soomaaliya.

Cismaan wuxuu sheegay in maanta oo Jimce ah iyo beri oo Sabtida ah uu dadka Minneapolis u qabannayo kulan uu ku soo bandhigayo qaar ka tirsan qalabka madxafka la dhigi doono si ay u daawadaan, isagoo sidoo kalena Soomaalida weydiisanaya inay taageerro dhaqaale ku yaboohaan qorshaha furitaanka madxafka.

 

Source:VOA

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here