Soomaalida Minnesota oo kaalinta 5-aad ka galay dadka qaba cudurka AIDS-ka

Tirakoob laga soo saaray waaxda Caafimaadka magaalada Minnesota, ee dalka Mareeykanka, ayaa lagu xusay in Soomaalida soo galootiga ah ay kaalinta 5-aad kaga jiraan dadka qaba cudurka AIDS-ka, islamarkaasna soo gala dalkaas.

Tirakoobkaan laga soo saaray waaxda Caafimaadka ee magaalada Minnesota, ayaa lagu xusay in dumarku ay u badan yihiin dadka laga helay cudurkan. Tirada dadka laga helay ayaa 90 qof kor u dhaafaysa, hase yeeshee tiradan ayaa ah inta tagtey cusbitalada ee la baarey.

Soomaali farabadan ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay qaxooti ahaan isaga dhiibayay dalka Mareeykanka, dadkaan inta badan waxaa laga qaadaa xerooyinka barakacayaasha dalalka Kenya iyo Ethiopia, oo laaaminsanyahay in cudurka AIDS-ka uu ku badanyahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here