Soomaalida Minneapolis oo dhexdooda is dilaya

somali-women_mainWaxaa maalmihii dambe ka socday magaalo ku taalla dalka Mareykanka dilal dadka Somaliyeed loogeysanayey iyadoo dilalkaasi la sheegayey inay geysanayeen isla Somalida dhexdeeda.

Dhawaan labo muwaadin oo Somali ah ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis waxaana booliska dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa magaaladaasi ay ku eedeeyeen dilkaasi inay Somalidu ka dambeysay.

Mid ka mid ah Somalida deggan magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo C/maalik ayaa usheegya idaacada Kulmiye inay jirto kooxo kooxo Somali ah oo iyagu is dilaya labada muwaadin ee dhawaan la dilayna ay Somalida dhexdeeda dishay.

Waxa la sheegay inay ciidamada Booliska magaalada Minneapolis ay ku guuldareysteen wax ka qabashada Somalida isku dilaysa magaaladaasi.

Xigasho: KNN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here