Soomaalida ku jirta Xabsiyada Nairobi oo cuntada ka soomay

xabsiMuwaadiniin Somaali ah oo ku xiran saldhig Bolis oo ku yaala Garoonka Joma Kenyatta ayaa cuntada ka soomay mudo labo malain iyo habeen ah.

Inkabadan 600-ruux oo soomaali ah ayaa xabsigaasi ku jira waxaana sababta keentay arintan ay ku sheegen in meesha ay tahay saldhig Bolis islamarkaana ana loogu talagalin in mudo lagu xirnaado

Somaalidaasi ayaa codasaday in dib loogusoo celiyo dalkeena Somaaliya.

Afhayeenka Boliska Kenya Mascuud Muunya ayaa beeniyay in Somaalida ku jira Xabsiga Garoonka Joma Kenyatta ay cuntada ka soomen isagoona intaa ku daray inay Ciidamadu si wnaaagsan ula dhaqmen maxaabistaasi.

Dhanka kale Safiirka Dowlada Somalia ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko  oo ku sugan magaalada Caasimada ee Muqdisho ayaa waxaa uu Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in somali badan uu mudo ku xirnaa Magaalada Nairobi saakay diyaarad sida ay ka soo dagi doonto garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Xigasho:KNN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here